2310 Views

Sawiro:-Wasiir Isloow Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Urdun

Sawiro:-Wasiir Isloow Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Urdun
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 07, 2018 –Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo ku sugan Magaaladda Aljeeriya ee Dalka Urdun, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalkaasi Mudane  Samiir Al-mubiiydayn, iyaggoo kawada hadlay arrimo badan oo quseeyo labada dal.

Wasiir Isloow, ayaa dhiggiisa Urdun warbixin kasiiyey Xaaladda Amni ee Soomaaliya, sida ay u shaqeyso Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo in qaabka Ciidammada AMISOM ay uga baxayaan dalka markii uu dhammaado waqtigooda.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka Amniga Urdun ka codsaday kobcinta awooda Ciidanka Soomaaliya, Tababaro iyo agab in lagu kaabo hay’addaha Amaanka , in la iska kaashado Amniga iyo Khibradaha, in la sameeyo xog is weydaarsi u dhaxeeya Hay’addaha Amniga iyo in la saameeyo guddi heer wasiir ah oo kawada shaqeeya arrimaha amniga.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Galabta ku qaabilay deegaankiisa Mudiirka Jaamacada Naayif alcarabiya ee culuumta amniga Dr C/majiid bin C/lla Al-bunyaan, isaggoo wasiir ducaale u hambalyeeyay Dr: C/majiid oo dhowaan loo doortay Mudiirka Jaamacadda, Halkaas oo ay kaga  wada hadleen siddii ay Jaamacada uqu qaban lahayd Booliska & Ciidamada Amniga tababaro kala duwan loogana heli lahaa waxbarasho bilaasha oo loogu deeqo Booliska iyo Amniga.

Wuxuu balan qaaday mudiirka jaamacada inuu diyaar u yahay  wax alaala waxii lagu horumarinayo Ciidammada Soomaaliya, gaar ahaan (Booliska) lana kala saxiixan doono heshiis u dhaxeeya Wasaaradda & Jaamacada.

 

 

s1 s2 s3 s4 s6

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

————————————————————————–

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment