1650 Views

Xildhibaan Khadiijo Diiriye”Hadii 184 Xildhibaan Uu Gaari Waayo Mooshinka Jawaari Waa Gudoomiyaha Golaha Shacabka”

Xildhibaan Khadiijo Diiriye”Hadii 184 Xildhibaan Uu Gaari Waayo Mooshinka Jawaari Waa Gudoomiyaha Golaha Shacabka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | March 17, 2018 —Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya kana mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si kulul weerar afka ah ugu qaaday Gudoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wasiir Khadiijo oo Goobjoog ka aheyd kulan ay yeesheen xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Jawaari ayaa sheegtay in mooshinkaas aan laga laaban Karin ilaa baarlamaanka lahorgeeyo,halkaasna lagu kala bixi doono.

Waxa ay sheegtay in Gudoomiye Jawaari mooshinki laga gudbiyay uu sheego in laga baxay,ay wax u dhimeyso karaamadiisa,aqoontiisa,laakin mooshinkaan uusan noqon doonin mid banaanka looga baxo.

“Xaqiiqdii 184 xildhibaan hadii uu mooshinkan gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka,laakin hadii uu gaaro waa wax cad,waxana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan ayay tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed diiriye”

Sidoo kale waxa ay guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka ku eedeysay in ay sharciga hareer mareen,iyaga oo baarlamaankii uu Shaqeynayo ay kulan qabteyn taasina ay tahay mid sharciga ka baxsan sida ay hadalka u dhigtay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment