2397 Views

Guddoomiyaha G/Benaadir oo sheegay in ay ka shaqeyn doonaan soo celinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda

Guddoomiyaha G/Benaadir oo sheegay in ay ka shaqeyn doonaan soo celinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 03, 2018 — Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xarunta MCH-ka degmada Shibis, isagoo dhinaca kale ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo canug oo mataano isku dhegan ah.

Eng. Yarisow ayaa sheegay xaruntan cusub ee MCH ku ay kaalin mugleh ka geysan doonto horumarin adeegyada Caafimaadka Gobolka Benaadir, waxuna ku tilmaamay in guud ahaan dib loo howlgelin doonno xarumihii adeegga bulshada ee Caasimadda, si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

“Xaruntan MCH ka degmada Shibis waxay kaalin mugleh ka qaadan doontaa sidii ay caafimaad wanaagsan ku heli lahaayeen bulshada ku nool degmada iyo guud ahaan Caasimadda, ka maamul ahaana waxaan ka shaqeyn doonnaa in shacabku helaan adeeg bulsho oo dhameystiran”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo ilmood oo isku dhagan, waxuna sheegay in maamulkiisu uu gacan siin doono bulshada nugul.

Maamulka Gobolka Benaadir ee hoggaamiyo Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, si loo soo celiyo kaalintoodii.

cafimadka-banadir-2 cafimadka-banadir-7 cafimadka-banadir-9 cafimadka-banadir-8 cafimadka-banadir-10 cafimadka-banadir-6 cafimadka-banadir-5 cafimadka-banadir-3 cafimadka-banadir-11 cafimadka-banadir-1 cafimadka-banadir-4 cafimadka-banadir-13 cafimadka-banadir-12

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment