3471 Views

Wasiirka Difaaca Maxamed Mursal oo u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Wasiirka Difaaca Maxamed Mursal oo u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 18, 2018 – Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Wasiirka Difaaca Soomaaliya hadana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-04-18 ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Baarlamaanka Federaalka ayuu ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa asna shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment