681 Views

Jabuuti oo cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Tajuura.

Jabuuti oo cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Tajuura.
____________________________________________________________________________

Sabti : Jan 16, 2021

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Tajuura.

Dowladda waxay sheegtay in xasiloonida gobolkaas dib loo soo celiyay, isla markaana uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadaas, ayna wadaan howlgallo lagu baadigoobayo kuwii weerarka geystay.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada janda-maariiga ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada ee Tajuura.

Weerarka ayaa yimid, kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay ciidamadii joogay saldhigga.

Arrintaas oo sababtay in ciidamaduna ay rasaas ku jawaabaan. Ilaa iyo haatan lama sheegin ujeedada weerarkaasi iyo cidda leh mas’uuliyadda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post