1194 Views

shirka doorashooyinka ee federaalka iyo dowlad goboleedyada oo maalintii afaraad galay..

shirka doorashooyinka ee  federaalka  iyo dowlad goboleedyada oo maalintii afaraad galay..
____________________________________________________________________________

May 25 2021

Waxaa Magaalada Muqdisho socda maalintii afaraad shirka looga hadlayay doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kaas oo Sabtidii lasoo dhaafay ka furmay Teendhada Afisyoone ee ku dhex-taalla Xalane.

Shirkan oo galay maalintiisii afaraad  ayaa wuxuu u dhexeeyaa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu soo qaban qaabiyey, duqa magaalada Muqdisho iyo hoggaamiyeesha shanta dowlad goboleed ee Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Puntland.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay jiraan Qodobo la isku mari la yahay oo ay ku jiraan arinta Gedo iyo Cida maamulaysa samiga Maamulka Somaliland ama Gobolada waqooyi uga soo aadaysa Xulista Xildhibaanada oo ay ku kala aragti duwanyihiin Cabdixashi iyo Mahdi Guuleed.

Jadwalka lagu ballamay inuu juu soo xirmay shirka ayaa is-bedal uu ku yimid, waxaana haatan socda wada-hadallado ku aadan sidii heshiis dhameystiraan loo gaari lahaa.

Sidoo kale waxaa wararku intaasi kusii darayaan inay haatan socdaan dadaallo ay wadaan madaxda qaar kuwaasi oo shirka looga ilaalinaya in uu fashilmo ama lagu kala tego.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post