726 Views

Shirka Saddex billaha ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka oo soo bandhigay qorshaha seddexda bil ee soo socota Sawiro

Shirka Saddex billaha ah ee Hay’adda Socdaalka  iyo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka oo soo bandhigay qorshaha seddexda bil ee soo socota Sawiro
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Shirka Saddex billaha ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo looga hadlayay dardargelinta adeegyada bulshada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray waxyaabihii u qabsoomay Hay’adda seddexdii bil ee lasoo dhaafay iyo qorshaha seddexda bil ee soo socota, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa soo bandhigay qorshaha seddexda bil ee soo socota ee lagu soo kordhainayo adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed ay u qabato hay’adda Socdaalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay hay’addu soo qabatay, ayna ka rajeynayaan inay xoojisa shaqada

Guddoomiyaha Maxmada Gobolka Banaadir Cabdiqadar maxamed Xasan , guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Cali Cabdi wardheereYare Cabdi iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga Yuusuf Cali Maxamed ayaa sheegay in wadashaqeyn dhaw ay la leeyihiin hay’adda socdaan iyo Jinsiyadda, ayna diyaar u yihiin inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeysa iyaga iyo hay’adda.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay wada shaqeyn buuxda kala dhexeeyo hay’adda Socdaalka

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa kula dar daarmay Saraakiisha iyo saraakiil xigeennada Hay’adda ee ka soo qaybgalay shirka inay laban laabaan hawlaha muhiimka ah ee ay shacabka u haayaan.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxay soo bandhigeen waxqabadka saddexdii bilood ee ina dhaaftay, waxa ayna muujiyeen in ay qabteen shaqo bogaadin mudan, hayadu waa marinka laga soo galo dalka, waxayna maamushaa qaadashada Baasaboorka, deganaanshaha iyo viisayaasha”. Ayuu yiri Wasiir Duraan.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post