522 Views

Warbaahinta dowladda oo baahisay in guddiga doorashada heer federal uusan gacan ku heynin boggagii rasmiga ay ku lahaayeen baraha bulshada

Warbaahinta dowladda oo  baahisay in guddiga doorashada heer federal uusan gacan ku heynin boggagii rasmiga ay ku lahaayeen baraha bulshada
____________________________________________________________________________


Talaado: December 28, 2021

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in guddiga doorashada heer federal uusan gacan ku heynin boggagii rasmiga ay ku lahaayeen baraha bulshada, sida uu baahiyay Radio Muqdisho.

“Sidaa darteed inta dib loogu soo celinayo guddiga wixii lasoo galiyo ma aha wax guddiga kasoo baxay.”

Waxay u muuqataa in uu khilaaf ka dhex taagan yahay guddiga doorashada dhexdiisa kadib markii dhawaan xubno ka tirsan guddiga ay ku dhawaaqeen in xilkii laga qaaday guddoomiyaha guddiga heer federal halka guddiga doorashooyinka heer federal uu xaqiijiyay in wax xil ka qaadis ah aan lagu sameyn guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa isla markaana si rasmi ah ay howshooda u wataan.

Sidoo kale war qoraal ah oo kasoo baxay bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada heer federal ayaa loogu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogadaan waxyaabaha kala qeybin kara guddiga isla markaana doorashada la dadajiyo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post