1323 Views

Isbitaalka taqasusiga ee Dalmar oo daahfuray Qeybta cusub ee sifeynta Keliyaha (Sawirro)

Isbitaalka taqasusiga ee Dalmar oo daahfuray Qeybta cusub ee sifeynta Keliyaha (Sawirro)
____________________________________________________________________________

Isbitaalka taqasusiga iyo Tacliiimiga ee Dalmar (Dalmar Specialist & Teaching Hospital) oo ka mid ah Isbitaalada casriga ah ee laga hirgeliyey Magaalada Muqdisho ayaa daahfuray qeybta cusub ee daaweynta iyo sifeynta Keliyaha (Kidney dialysis Unit) 

Munaasabad lagu furayey qeybtan cusub ayaa lagu qabtay xarunta Dalmar Specialist and Teaching Hospital taasoo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah ardayda wax ka barta Jaamacadaha, howlwadeeno caafimaad, aqoonyahano, dhaqaatiir iyo xubno ka tirsan Maamulka Isbitaalka. 

Dr. Max’ed Xuseen Caraale oo ah madaxa qeybta daweynta iyo sifeynta Keliyaha ee Isbitaalka Dalmar ayaa ka waramay kaalinta keliyuhu kaga jiraan nolosha aadanaha, cudurada soo wajaha iyo sida loola tacaalo. 

“Keliyaha waxyaabaha ay qabtaan waxaa ka mid ah iney dhiiga ka sifeeyaan sunta iyo qashinka, waxyaabaha fariisiya shaqadooda waxaa ugu badan cuduro haleelay oo xiligii loo baahnaa heli waayey daaweyntii loogu talo galay sababtey doontaba ha lahaatee, haddii  ay fariistaan qofku ma sii noolaan karo, sidaas awgeed waxaa la soo saaray Mishiino gacan ka geysanaya iney qabtaan shaqadii ay qaban jireen keliyahaas fariistay, kuwaasoo qofku u baahnaanayo in todobaadkii 2-3 jeer loo sifeeyo kelyaha si u sii noolaado” ayuu yiri Dr. Caraale oo intaas ku daray inuu aad u hooseeyo wacyiga bulshada ee la xiriira ilaainta Caafimaadka Kelyaha, taasoo buu yiri keentay in sanadahan dambe ay sii kordhaan dadka ka cabanaya xanuunada ku dhaca. 

Ka soo qeyb galayaasha ayaa intii ay munaasabadan socotay Dr. Caraale weydiiyey su’aalo la xiriira Caafimaadka Keliyaha, kuwaasoo uu si hufan uga jawaabay. 

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Dalmar Dr. C/fitaax C/llaahi Jaamac oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa isna halkaas kaga dhawaaqay in Isbitaalku diyaar u yahay inuu bulshada ka caawiyo daaweynta iyo sifeynta Kelyaha, ayna tixgelin gaar ah siin doonaan dadka danta yar iyagoo la qeybsanaya duruufaha dhaqaale ee ka jira dalka. 

“Qeybta sifeynta Keliyaha ee Isbitaalka Dalmar waxaa diyaar ku ah, dhaqaatiirtii iyo qalabkii bukaanada loogu adeegi lahaa, illaa hadda waxaa diyaar ah afar Mishiin, waana sii kordhinaynaa tiradooda, waxaana qorshaha inoogu jirta in ugu dambeyn qeybtan ay noqoto mustaqbalka mida ugu weyn Somalia ee bixisa adeega keliya sifeynta” ayuu yiri  Dr. C/fitaax C/llaahi Jaamac. 

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Dalmar Prof. Dr. Abdirisak Ahmed Dalmar oo isna munaasabaan ka hadlay ayaa ka waramay muhimada ay Keliyuhu u leeyihiin Caafimaadka iyo sida loogu baahan yahay in loo ilaaliyo bad-qabkooda. 

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta daahfurno qeybta cusub ee sifeynta Keliyaha oo ka maamul ahaan aanu gelinay dedaal iyo shaqo badan ka dib markii aan aragnay baahida weyn ee bulshadu u qabto, iyadoo sanadahan dambe ay soo badanayeen dadka ka cabanaya xanuunada Kelyaha” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaas ku daray in qeybtan cusub la dhameystiray, ayna si hufan oo naxariis leh ugu adeegi doonto bulshada. 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post