507 Views

Ciidamada Ruushkaoo xoojiyey duqeymaha uu ka geysanayo magaalooyinka Ukraine

Ciidamada Ruushkaoo  xoojiyey duqeymaha uu ka geysanayo magaalooyinka Ukraine
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 2, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa xoojiyey duqeymaha uu ka geysanayo magaalooyinka Ukraine, wuxuuna uga digay dadka deggan Kyiv inay isaga cararaan goobahaas uu dagaalka ka socdo.

Sidoo kale, Dhimashada daka rayidka ah ayaa sii kordheya, Iyadoo shan lagu dilay weerar lagu qaaday taawarka TV-ga Kyiv, Inkastoo 21 ku dhimatay magaalada Kharkiv oo ah caasimada labaad ee Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa hawada Mareykanka ka xayiray diyaaradaha Ruushka, iyadoowuxuu Vladimir Putin-ka Ruushka uu yiri”wuxuu bixin doonaa “qiimo sarreeya mustaqbalka fog”.

Kolonyo militari oo Ruushku leeyahay ayaa u muuqda inay ku xayiran yihiin meel u dhow Magaalada Kyiv, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka.

Madaxwaynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku booriyay EU-da inay ansixiyaan xubinimada Kyiv oo ay caddeeyaan in ay la jirto dalkiisa oo uu dulaan kusoo qaaday Ruushka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post