Khamiis: july 29 2021
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Cali Guud laawe Xuseen ayaa kulan la qaatay guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Hir-shabeelle, iyadoo madaxweynaha ay guddiga warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee loo igmaday.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Hir-shabeelle ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay tagaan magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka, iyagoo halkaasi ka bilaabi doona howlaha doorashooyinka dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Guudlaawe ayaa guddiga kula dardaarmay daadajinta howlaha shaqo iyo iney si cadaalad ah u maamulaan arrimaha doorashada.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________