Arbaco: September 15, 2021
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday rag ganacsatada uga qaadi jiray lacag farabadan inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa loo haystaa in ay dadka baad kaga qaadi jireen magaca Al-Shabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.
Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen bixinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale n dhowr Afduub ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed, iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso kun ilaa laba kun oo dollarka Maraykanka ah.
Office Nairobi kenya https://59e880e6656895dc2ebc39b2c6b2716b.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________