Isniin: September 20, 2021
Nin hubeysanaa ayaa ugu yaraan siddeed qof ku dilay jaamacad ku taalla magaalada Perm ee dalka Ruushka, sida ay masuuliyiinta u xaqiijiyeen warbaahinta.
Booliska ayaa sheegay inay dhaawaceen ninkii weerarka geystay ka dibna ay xireen, iyada oo la sheegay inuu ahaa arday wax barta isla halkaas.
In ka badan 20 qof ayaa ku dhaawacantay toogashada. Dhacdadan ayaa waxay dhacday abaare 11:00 (06:00 GMT) ee xilliga Jaamacadda Gobolka Perm, .
Mid ka mid ah macallimiinta jaamacadda oo ka hadlayay arday darbiga cabsi darteed uga booday ayaa BBC-da ku yiri “Waxay ka boodeen darbiga iyaga oo ay cabsi badan ka muuqato oo qaylinaya,”
” Ardayda qaar ayaa isku soo xiray fasalada si ay uga baxsadaan weerarka. Fasalka waxaan ku joogay ilaa 60 qof, waxaan xirnay albaabka oo waxaan ku xirnay kuraas, ”mid ka mid ah ardayda Jaamacadda ayaa sidaas ku yiri wakaaladda wararka ee Reuters.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________