Talaado: January 17 2023
Ciidamada milateriga gaarka ah, ee dawladda Soomaaliya ayaa shalay la wareegay magaalada Xarardheere ee gobalka Mudug iyo Deegaanka Galcad ee gobalka Galguduud, oo labadaba ay kooxaha Argagixiso haysteen 10-kii sanno ee lasoo dhaafay, kana tirsan dawlad gobaleedka Galmudug, kooxaha argagixiso ayaa ka baxay deegaanadan kahor inta aysan ciidamadu galin.
Dhinaca kale Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ee la wareegay gelinkii dambe shalay Degmada Ceeldheer, kooxaha Argagixiso ayaa haystay 10-kii sanno ee la soo dhaafay, galinkii hore ayaa la diwaangaliyey in Degmada Xarardheere iyo Galcad.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa cadeeyey in goobahan laga qabsaday kooxahan argagixiso, taas oo ka dhigan guul ay gaareen Milateriga Soomaaliya.
Bulshada gobalka Hiiraan ayaa bilaabay howlgal kacdoon ah oo ay kaga hortageen kooxahan, dawladda ayaa taageertay howlgaladaas, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh oo si wacan uga faaiidaysatay Kacdoonka shacabka uu ku baaqay dagaal ka dhan ah kooxaha nabadda diidan, kaas oo looga qabsaday in ka badan 20 deegaan, oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug.
Soomaaliya, ayaa caqabada kaliya ee dhinaca amniga ka haysata ay tahay kooxahan Argagixiso oo kasoo horjeeda dawladnimada iyo horumarka Soomaaliya.
Waxaa Dabaal dagyo ka socdaan Galmudug iyo Deegaanada u dhaw, kuwaas oo lagu taageerayo Ciidamada Dowlada ee garay Galcad, Xarardheere Iyo Ceeldheere oo Deegaano muhiim ah alshabaab .
Office Nairbi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________