Muqdisho, November 29, 2016: Maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, ayaa waxaa ka dhacaya doorashada mid ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Abgaal oo maanta dhaceyso, iyadoo kursigan ay ku tartamayaan Gabdho.
Kursigan oo gaar u ah Beesha Wacbuudhan Abgaal, ayaa waxaa ku loolami doona Labo Gabdhood oo ka soo jeeda Beesha Galmaax, waxaana uu noqonayaa kursigii u horeeyay ee Beesha Abgaal haween u qoondeyso, kaddib markii ay horay u diideen kuraasta kale in Haween ku soo baxaan.
Labada Musharax ee ku loolamaya kursigaas oo lagu kala magacaabo Drs. Mina Xasan Shibis iyo Bakiin Maaxi Macalin ayaa labadii maalmood ee u dambeysay ka waday magaalada Jowhar olole xooggan oo ka dib badan kii ragga ay wadeen
Mid ka mid ah kuraasta maanta loo tartamayo waxaa taageerayo Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________