3264 Views

Taliye Xaamud oo balan qaaday codadka 3 ka mid ah Saraakiisha Booliska ee galay Baarlamaanka

Taliye Xaamud oo balan qaaday codadka 3 ka mid ah Saraakiisha Booliska ee galay Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 21, 2016 – Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Maxamed Xasan Xaamud oo shalay ka hadlaayay munaasabaddii xuska sanad guurada 73-aad ee Aasaaska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu yaboohay codadka 3 ka mid ah Saraakiisha Booliska Somaliyed ee galay Baarlamaanka Somaliya.

Taliye Xaamud oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga amniga doorashooyinka Somaliya ka dhacaya ayaa waxa uu sheegay Saddex Sarkaal oo ka tirsan Booliska inay ka mid noqdeen Baarlamaanka.

Saraakiishaasi Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqday, ayaa wuxuu sheegay in codadkooda uu ku tashanaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Baarlamaanka labadiisa Aqal Saddex Sarkaal oo Boolis ah ayaa ku jira Mudane Madaxweyne Aqalka Sare waxaa ka mid ah Sareeye Gaas Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waa ku tashanaysaa codkiisa waa Codka Booliska, Aqalka Hoose waxaa ka mid ah Shariif Sheekhunaa Maya codkiisa waa ku tashanaysaa, waxaa kaloo iyadana Sharaf ku ah raggii Darajada aad u xirtay ee 19-ka ahaa ee Jaamiciyiinta ahaa nin ka mid ah inuu ku soo baxay Aqalka Hoose Labo Xidigle Maxamed Ibraahin Cabdi Diyeeshe codkiisana waad ku tashanaysaa.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska.

Masuuliyiinta qaar ee Dowladda ku jira ayaa meelo fagaare ah waxaa kaga soo fakada rabitaanka ay u qabaan in markale Siyaasad uu hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud oo Afartii sano ee la soo dhaafay dib u dhac kala duwan dalka geliyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo markii ugu horeysay Siyaasad uu cagto soo galiyo loo magacaabay Duqa Muqdisho, wuxuuu hada ka hor sheegay inay u fiican tahay Doorashada la galaayo Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku soo baxo, taasi oo uu ku muujiyay rabitaankiisa iyo danaha gaarka ah ee ugu jirto soo laabashada Xasan Sheekh.

.

.

Xigasho: Horumar Online

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment