Muqdisho | QOL | 03 August 2017 —Taliska Booliska Kenya ayaa in ka badan boqol askari u daabulay goobaha codbixinta doorashada Madaxtinimo ee Dalka Kenya oo lagu wado in ay dhacdo maalinta Talaadada ah ee soo socota.
In ka badan boqol Askari ayaa loo daabulay halkaasi, balse waxaa walaac xoogan laga muujinayaa weeraro ka yimaado Xarakada Al Shabaab.
Laamaha amaanka ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay qorsheynayaan Weeraro ka dhan ah Dalka Kenya inta lagu guda jiro doorashada Madaxtinimo ee Dalkaasi.
Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan oo dhiig badan uu ku daatay waxey ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Waxaa Saraakiisha Amaanka ee Dalka Kenya ay shaaciyeen in dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab ay ku sugan yihiin Keymaha Booni ee Dalkaasi.
Balse dhawaan ayee aheyd markii militarga Kenya uu qaaday weeraro dhanka cirka ahaa oo lagu beegsanayay qeybo ka mid ah Keymaha Booni oo la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________