Muqdisho | QOL | Ogosto 13, 2017:–Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar; ayaa Qaranimo Online u xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Roobow uu isku dhiibay Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu xusay in Ciidamada Dowladda ay ka wadeen Abal,haddana ku sii socdaan Xudur.
Afhayeenku waxaa uu sheegay in Wadahadal ay la galeen Sh. Mukhtaar uu ku oggolaaday in uu tago magaalada Xuddur,halkaas oo uu ku sii sugnaanayo.
Inta badan Ciidamadiisa ayaa looga soo tagay Abal sida uu sheegay Afhayeenka Koofur Galbeed,Nuuraddiin,waxaana uu sababta ku sheegay in ay halkaas u joogaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab.
Maamulka Koofur Galbeed waxaa uu intaas ku daray in wadahadallada u dhaxeeya Abuu Mansuur iyo maamulkaas ay sii socon doonaan.
Afhayeenku waxaa uu ka gaabsaday in Abuu Mansuur uu muddo joogayo Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________