Mogadisho | QOL | September 17 2020—Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Degmada Cadalle gaar ahaan Tuulada lagu magacaabo Koogaar lagu dilay culimo Owdiin Soomaaliyeed oo halkaasi u tagay in ay qur’aan ku aqriyaan dad halkaasi ku xanuunsanaa.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dhimashada 5 ka mid ah culimada deegaanka.
Sheekh Daahir Xasan cali Dheere
Macalin maxamuud canbuure
Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe
Macalin Muqtaar C/laahi Cilmi
Macalin Muxumud Xasan Cali Dheere.
Wararka ayaa intaas ku daraya in culimada dilkooda ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubaysan oo goobta ka baxday.
Goobjooge ku sugan Degmada Cadalle ayaa sheegay in loo malaynayo in falkaan uu salka ku haayo anaano qabiil.
Maalin ka hor ayay ahayd markii culimo odiin gaara 4 lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________