Muqdisho | QOL | November11, 2020 –Yuusuf Axmed Hagar ‘Daba-geed’ ayaa loo doortay madaxweyne Ku-xigeenka maamulka HirShabeelle, doorasho hadda ka dhacday Jowhar.
Wuxuu heley 87 cod, halka hal musharrax Maxamed Dheere oo la tartamayey uu heley 12 cod.
Yuusuf Dabageed ayaa horay dhowr jeer u soo noqday Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay dadka awooda ku leh maamulka gobolka Hiiraan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________