Arbaco: July 7 2021
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda Dowlad-goboleedka Jubaland.
Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.
Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku tago Jubaland. Tan iyo Markii uu Raisal wasaaraha Noqday Sanadkii hore
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale diiradda saari doona dib heshiisiinta Gedo sida soo xigtay wakaaladda wararka ee Sonna.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________