4656 Views

Mshruuc lagu horumarinayo kalluumeysiga oo maanta laga hirgeliyay xeebaha Muqdisho

____________________________________________________________________________

malay-soo_gaad_4-620x264

Moqdisho, November 15, 2015 — Mashruuc loogu talagalay kalluumeeysatada iney si fudud ugu jillaabtaan ayaa laga hirgeliyay xeebaha maagalada Muqdisho.

Mashruucaanfad  oo ah qalab badda la dhigayo islamarkaaana kalluunka isugu keenaya meel ay si fudud uga soo jillaban karaan kalluumaysatada ayaa laga hirgaliyey xeebaha Muqdisho gaar ahaan Liido, Geel Liq iyo Jasiira.

Fulinta iyo hirgalinta mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda kallumaysiga iyo qayraadka badda iyo hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan horumarinta cuntada iyo beeraha ee FAO, ujeeddada mashruucan waa waa sidii loo horumarin lahaa  wax soo saarka kheyraadka badda Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ku xigeenkiisa, agaasimaha guud ee wasaradda wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa furitaanka mashruucan maanta laga hirgaliyey xeebaha Muqdisho.

Qalabkan waxaa dhigay xeebaha markab  ay dusha ka ilaalinayeen dooman  ay leeyihiin ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ee ka socda Midowga Yurub.

Maxamed Cumar Caymooy wasiirka kaallumaysiga iyo kheyraadka badda oo warbaahinta kula hadlay markab dushiisa ayaa sheegay in mashruucan uu faa’iido badan u leeyahay kalluumeystada ka jilaabata xeebaha Muqdisho.

Wasiirkan ayaa xusay in mashruucan la gaarsiin doono dhamaan xeebaha dalkeena oo dhan si ay kalluumeysatada ugu fududaato soo saaridda kalluun farabadan isagoo tilmaamay in qalabkani uu kalluunka isugu keenyo meel ay si fudud uga soo qabsan karaan kalluumeysatada.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment