3588 Views

Wasiirka Amniga oo Guddi baara u bixiyay sarkaalkii lagu dilay Beledweyn

Wasiirka Amniga oo Guddi baara u bixiyay sarkaalkii lagu dilay Beledweyn
____________________________________________________________________________

Moqdisho,November 16,2015 — Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Wasiirka Amniga, ayaa sheegay in Guddi soo baara u magacaabeen dilkii sarkaal ka tirsan Hey’adda Mine Action maalin ka hor lagu dilay magaalada Beledweyn, kaasoo ay ka dhalatay xiisad.

C/risaaq Cumar ayaa sheegay in Guddi ka kooban 7-xubnood loo dirayo Beledweyn, si ay u bilaabaan baaritaanka Sarkaal lagu magacaabayay Mahdi Xuseen Shiikhaal oo mid ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu dilay.

“Waa la hayaa dadka ninka dilay, waa mid ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka, waxaa magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya oo ka kooban 7-xubnood, kuwaasoo isugu jira Booliska, Hey’adda Dambi baarista CID, Nabadsugida iyo labo kuxigeen oo ka tirsan Xeer Ilaalinta”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka inay dajiyaan xiisada, isla markaana xal laga gaaro, isagoo xusay in Madaxweynaha iyo isaga ay xiriir la sameeyaan Odayaasha dhaqanka, kalana hadleen sidii xal waara loo gaari lahaa.

Maleeshiyaad fara badan oo ku heyb ah Sarkaalkii maalin ka hor lagu dilay magaalada Beledweyn ayaa soo buuxiyay magaalada, waxaana ay dalbanayeen in loo soo gacan geliyo askarigii dilka ka dambeeyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Sarkaalka la dilay ee u shaqeynayay Mine Action uu u dhaxeeyay muran, inkastoo aanu Guddoomiyuhu arrintan ka hadlin.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa isku dayay in xiisada la dajiyo, iyagoo wada hadalo la sameynayay labada dhinac, waxaana arrintan ay qal qal gelisay ammaanka magaalada.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment