Muqdisho, October 10, 2016: War na soo gaaray ayaa sheegaya in Guddiga Hirgelinta Doorashad Dadban ee Soomaaliya uu soo saaray war-saxaafadeed uu ku diidayo Maamul Goboleedyada qaar oo soo gudbiyay liiska xubana ku matalaya aqalka sare,kuwaas oo aysan u dhameystirneyn Koontada Haweenka oo ahaa 30%.
Maamullada Galmudug,Puntland iyo Jubbaland,ayuu guddiga ku dhliilay in heshiiskii Madasha ee Koontada Haweenka aysan waafaqsaneyn xubnaha ay soo gudbiyeen saddexdaas maamul.
Sidoo kale Guddiga waxaa uu bogaadiyay Maamulka Koofur Galbeed oo heshiiska Koontada Haweenka waafajiyay liiskii ay soo gudbiyeen kaas oo 30% ku bixiyay liiska xubnaha aqalka sare.
Maamullada saddexda ah ayuu guudiga ugu baaqay in ay waafajiyan heshiiska Haweenka u ogolaanaya 30% in ay ku yeeshaan Dowladda Soomaaliya.
Guddiga hirgelinta doorashad dadban ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku diiday Maamul Goboleedyada qaar oo soo gudbiyay liiska xubana ku matalaya aqalka sare,kuwaas oo aysan u dhameystirneyn Koontada Haweenka.
Maamullada Galmudug,Puntland iyo Jubbaland,ayuu guddiga ku dhliilay in heshiiskii Madasha ee Koontada Haweenka aysan waafaqsaneyn xubnaha ay soo gudbiyeen saddexdaas maamul.
Sidoo kale Guddiga waxaa uu bogaadiyay Maamulka Koofur Galbeed oo heshiiska Koontada Haweenka waafajiyay liiskii ay soo gudbiyeen kaas oo 30% ku bixiyay liiska xubnaha aqalka sare.
Maamullada saddexda ah ayuu guudiga ugu baaqay in ay waafajiyan heshiiska Haweenka u ogolaanaya 30% in ay ku yeeshaan Dowladda Soomaaliya.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________