Muqdisho | QOL | May 05, 2017 — Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgallo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka wadeen Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Sidoo kale wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay Saddex nin oo loo heysto dilkii Wasiir Cabaas.
Waxaa sidoo kale wareegtada ka soo baxday Taliska Booliska lagu sheegay in Ciidmaada ay xireen Askar ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu helay musuq maasuq.
Wareegtada ka soo baxday xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa warbaahinta u aqriyay Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Rooble.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________