7917 Views

Madaxweynaha Somalia oo ka Hadlay Mooshin ay ka Gudbiyeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka

Madaxweynaha Somalia oo ka Hadlay Mooshin ay ka Gudbiyeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Khamiis, Ogoosto 13, 2015 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Mooshin ka dhan ah oo ay Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan ay maanta ka gudbiyeen, isagoo sidoo kalena ka Warbixiyay Marxaladda dalku uu marayo, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Xasan_Sheekh_Mooshin_ka_hadlay

Xasan Sheekh oo Warbaahinta kula Hadlayay Xafiiskiisa ayaa Sheegay inuu ka War-hayo warar sheegaya in koox xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay diyaariyeen mooshin isaga ka dhan ah, isagoo xusay in waqtigan la joogo baarlamaanka looga baahan yahay inuu diiradda saaro hawlaha muhiimka ah ee Horyaalla. “Markii Dowladda ay Talada Qabatay Sannadkii 2012-kii, Gacanta Dowladda Waxaa ku jiray deegaanno kooban, haatanna waxay Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ay ku guda jiraan soo dhicinta goobaha yar ee weli ay ku harsan Gacanta Al-shabaab.

Baarlamaanka iyo laamaha kale ee dastuuriga waxay qabteen hawlo badan oo la taaban karo, Guulaha la gaarayna waxaa sal u ah Wadajirka iyo Wada-shaqeynta hay’adaha DF. Waqtiga noo haray aad buu u kooban yahay, waxaana Baarlamaanka iyo Xukuumadda horyaalla hawlo muhiim u ah meel-marinta Hiigsiga 2016. Muddadaas yar ee aan haysano kuma filna inaan is-qabqabsi iyo waxyaabo aan dan u ahayn shacabka ku mashquulno,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa Xusay in Baarlamaanka uu saaran yahay Waajib Dastuuri ah oo hawlaha Qaranka lagu taageerayo, xukuumaduna ay taas ku xushmeynayso, isla markaana ay habboon tahay in Waajibaadkaas aanu noqon mid lagu Car-qaladeynayo Hawlaha ballaaran ee horyaalla Dowladda iyo dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya.

Wuxuu Madaxweynuhu intaa raaciyay in horumar muuqda laga gaaray hirgelinta hanaanka Federaalka & baahinta Maamulka, dhawaana Magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska Dhismaha Maamul loo Sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. “Beesha Caalamka waxay inagu taageereysa hawlaha ballaaran ee aynu hayno. Waxaanu ku guuleysanay baahinta maamulka, Waxqabad badan oo dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Fidinta Adeegyada Bulshadana waa la gaaray.

Waxaan Beesha Caalamka iyo hay’adaha Dastuuriga ee dalka aanu isla garannay inaanay dalka ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah; duruufaha jira awgood, taa bedelkeedana uu jiri doono hab kale oo doorasho oo waddanka ka dhici doonta Sannadka 2016-ka. Qorshahaas waxaa uu ka Markhaati kacaya in aanay jirin wax muddo kordhin ah, inagoo weliba og, khilaafaadka iyo is-qab-qabsiga mar walba ka dhalan jirey tallaabooyin la doonayey in muddo kordhin lagu hirgeliyo, intii ay jireen Nidaamyadii KMG ahaa ee dalku soo maray,’’ ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Hambalyo u diray ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed oo si Wadajir ah isaga kaashanaya Dagaalka Al-shabaab looga saarayo goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa xusay inay Somalia horey u dhaqaaqday, isla markaana Horumarka la gaaray aan loo hakin doonin Carqalado ama Dibin-daabyo ay la yimaadaan kooxo yar oo aan u daneyneyn maslaxadda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment