4842 Views

Axmad Madoobe oo Gedo laga diiday

Axmad Madoobe oo Gedo laga diiday
____________________________________________________________________________

Gedo | QOL | Agoosto 19, 2015 – Warar ka soo baxaya magaala Gabahaareey ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in maalinti sadaxaad ay ka socdaan dibadbaxyo ballaran oo dadka ay xaafada badan iskaga yimaadeen oo ay ku dhawaaqayan “Axmad Madoobe , dooni mayno ee maamul an annaga doorano ayan dooneynaa. Axmad Madoobe iyo maamulkiisa, dusha in nalaga saaro aqbali mayno.”

Rabshado xoog leh ayaa ka dhacay marki Axmad Madoobe uu soo magacaabay Doolow maamul cusub, hase ahaatee waxaa laga hor tegay bannabax lagu diidanyahay, kasoo ay la soo ciidamo Ithiopian ah kuwaas oo garab u ahaa maamulka Axmad Madoobe.

Waxa kale oo la ogyahay in Gudoomiyehi Gedo Cabd Kaliil iyo siyaasiyiin kale loo soo masaafuriyay magaalada Muqdishu, taas oo reer Gedo ugu muuqado gardarro cad.

“ Ruux Somali u dhashay ee laga masafurinaayo meesha uu ku dhashay, waxaa na baray Axmad Madoobe.” Sidaas waxa yiri nin reer Gedo ah.

Intaa waxa raacsan in Ciidanka Dowlada iyo Ahlu-Sunna, ayaa degmada Bardheere ka soo saaray maamulki uu Axmad Madoobe u soo magacaabay.

 

 

______________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment