4290 Views

Wafdi ka socda IGAD oo Baydhaba tegay

Wafdi ka socda IGAD oo Baydhaba tegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1 September 2015 – Waxaa maanta garay magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay wafdi ka socda ururka IGAD oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaaladaas.

Wafdigaan ayaa waxa ka dhax muuqday ninka IGAD wakilka uga aha nabadeeynta Kornel Gabre, waxaa kale oo ku wehliye Jamac Axmad Ibrahim oo ka socday xafiiska IGAD ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa wada hadal la yeeshay madaxweynaha Koofur Galbeed, Sharif Xasan Shekh Aadan, kaas oo looga hadalaayay arin ku aadan soo xuluista xubnaha Barlamaanka K/Galbeed.

Marki shirka dhamaaay ayaa saxaafada waxaa la hadlay  Cabdullahi Xaaji Xasan oo ka socday Hay’ada CRD, Jamaal Axmed Ibraahim iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka K/Galbeed.

Waxa ay saxaafada u sheegeen in ay u yimaadeen Baydhabo in ay fududeeyaan howlaha soo xulista xubnaha Barlamaanka, waxayna intaa raaciyeen in Odayasha ay la kulmeen u sheegeen in howsha ay dhamaad ku dhawdahay, balse ayagu ay ka daayaan faragelinya hoose.

____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment