6360 Views

RW Cumar Cabdirashiid oo isu mari-doono Jowhar iyo Beldweyne

RW Cumar Cabdirashiid oo isu mari-doono Jowhar iyo Beldweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 4 September 2015 – Warar naga soo garay Madaxtooyada ayaa sheegayaa in R/wasaare Cumar Cabdirashiid uu isu diyaarinayo in uu tago Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Sawafar R/wasaaraha, aya waxaa ku wehli-doono madax ka socota labada gole, si ay ugu kuur galaan khilaafka ka taagan meesha lagu qabandoono shirka maamul u sameeynta labada gobol ee kala ah Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo beryahaanba la isku haystay.

Arinta intas kuma eka, ee waxa dhibaata kale ka taagantahay sida beelaha ay u qaybsan-lahayeen Kubnaha Gudiga Maamul u sameeynta labada Gobol oo ka kooban31 xubnood.

Gudoomiya Gobolka Hiiraan C/fattax Afrax, ayaa sheegay in ay diyaariyeen goobti lagu qaban-lahaa Shirweynaha oo ayna dib uga noqon-doonin fikrada ah in Shirka Beledweyne lagu qabto.

Shirkaan ayaa ahaa in uu dhaco September 1-deeda, balse uu dhib u dhacay. Sidaas darted, ayuu R/wasaarahu ku qasbanyahay in uu xal iyo waan-waan ka gaaro howshaan cakiran.

 

.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment