8490 Views

Ciidamada Jibuuti oo la wareegay Jalalaqsi

Ciidamada Jibuuti oo la wareegay Jalalaqsi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 September 2015: Ciidamada Jibuuti ayaa la waareegay degmada Jalalaqsi ka dib marki ay bedeleen cidamadi Burundi oo ayagu halkaas ka baxay.

Ciidaman fara badan  oo ka socda Jibuuti kana soo nuuxsaday degmada Buulo Burde ayaa tegat Jalalaqsi ayago wato gaadiid dagaal oo aad u xoog badan.

Munaasabadaan ayaa waxa ka qayb galay oo goob jog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti Jen, Zakariye iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Waa marki ugu horreeysa ee Takiyaha guud ee ciidamada Jibuuti uu tago Gobolka Hiiraan, wuxuuna kula taliye in ay la wareegaan degmada Jalalaqsi.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, ayaa amaan u jeediya ciidanka reer Jibuti qaybta ay ka qaateen nabadeeynta Gobolka Hiiraan, mahadna ku dhoobay.

Degmada Jalalaqsi ayaa ahayd mid go’doon ku jirtay, balse hada la doonaayo in Gobolka Hiiraan oo dhan la isku furo.

jabuti-1

jabuti-2

jabuti-4

jabuti-5

jabuti-8

_________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment