4608 Views

Nicholas Kay oo soo dhaweeyay Xalka Mooshinka

Nicholas Kay oo soo dhaweeyay Xalka Mooshinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,15, 2015: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa soo dhawweyay dadaalka loogu jiro xallinta khilaafaadka ka taagan mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraal uu soo saray Xafiiska Xoghayaha, ayaa  lagu sheegay in uu garab ku siinayo Gudoomiyaha Barlamaanka, wixi suurtagal ah oo arrintaas lagu soo af jari-karo.

“Waxaan soo dhowaynayaa dadaalka ay wadaan Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga taageersan Mooshinka xil ka qaadista si ay si wax tar leh isagala shaqeeyaan uguna xaliyaan wada hadal iyo wada tashi arrimihii mooshinka Xilka qaadista”ayuu yiri Nicholas Kay.

Xoghaya ayaa u sheegay in si deg-deg ahay labada dhinac ay xal u gaaraan si ariintaan aysan u noqon dhibaato hor taagan geedi socotka higsiga 2016.

“Waxaa ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay si dhakhso leh horay ugu howl-galaan si ay xal ugu helaan khilaafka hada jira, xalkaas wuxuu ogolanayaa horumarka Geedi socodka siyaasadda Soomaaliya inuu u socdo, si aan hakad dambe laheyn, sidoo kalena ay isugu yimaadaan dhinacyada siddi ay diirada u saari lahaayeen sidii loo bilaabi lahaa qabsoomiddii Madashii looga Arrinsan lahaa Doorashooyin ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ayna garwadeen ka yihiin sanadka 2016″ayuu ku soo gunaanaday taladiisa.

.

___________________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment