4791 Views

Daahfurka Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashada Sanadka 2016

Daahfurka Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashada Sanadka 2016
____________________________________________________________________________

WAR-MURTIYEED

Muqdisho | QOL | September 21, 2015 – Kulan saddex maalmood socday oo lagu qabtay Villa Soomaaliya, Muqdisho 19-21-September 2015. Kulankaas oo ay isagu yimaadeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar C. C. Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Galmuudg Mudane C/kariim Xuseen Guuleed.

Madaxda oo ka ambaqaadaysa Qorshe howlleedkii shirkii Wadatashiga Heerka saree e (HPLF) ee ka dhacay Muqdisho bishii Luulyo 2015 ee ay madaxdu isla oggolaadeen in ay daahfuraan Madasha Wadatashiga Qaran. Madashaas oo kulankeeda ugu horreeya uu dhici doono 14-ka bisha Octoobar ayaa looga wadahadli doonaa qaabka ugu habboon ee sannadka 2016 dalka looga hirgelin karo doorasho ku dhacda jawi nabad ah oo huffan.

Madaxdu waxay markale isla oggolaadeen sida ay uga go’an tahay meel marinta wadatashi Dimuqraadi ah, Daah-furan, loo dhan yahay, isla markaana ku salaysan Mabaadi’da Hagaysa iyo Qorshe howleedkii la isku raacay Shirkii Wadatashiga Heerka saree e ka dhacay Muqdisho 29-30-Luulyo 2015.

Iyadoo la tixraacayo labadaas qoraal ee kor ku xusan ayay madaxdu isku raaceen in la sameeyo qaab-dhismeedka iyo waajibaad howleedka ee Madasha Wadatashiga Qaran.

Madashu waxay kulminaysaa Madaxda Federaalka, Madaxda Dawlad Gobolleedyada, wakiilo ka socda Baarlamaanka Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Xubno matalaya gobollada aan lahayn dawlad-goboleed iyo xubno matalaya Bulshada Rayidka ah. Sidoo kale waxay madashu yeelan doontaa guddi howleed iyo guddi farsamo oo hoos imaan doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Labada guddi waxay diyaarin doonaan qorshe-tilmaameed ka hor waqtiga shirka, kaasoo tilmaan ka bixin doona habka wadatashiga Qaran u dhaci doono iyo hannaanka loo kala dooran doono qaabka ugu habboon ee doorashada 2016 lagu qaban karo.
Marka uu shir-weynaha Madasha Wadatashiga Qaran meelmariyo qorshe-tilmaameedka, ayaa guddi howleedku kulamo wadatashi la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobollada Dalka oo idil bilaha Oktoobar iyo Nofember, 2015-ka.

Waxaa kaloo madaxdu isla garteen in shir-weynaha Madasha Wadatashiga Qaran mar kale la qabto bisha Disember 2015-ka, si uu dib u eegis ugu sameeyo wixii ka soo baxay wadatashiyada dadweynaha. Kulankaas waxay Madashu isku raaci doontaa hannaanka ugu habboon ee ka soo baxay kulamadii wadatashiyada ahaa ee dalka doorasha uga dhici karto 2016-ka. Waxaa kaloo madaxdu isla meel-dhigeen in hannaanka doorasho ee la isku raaco ay hay’adaha Federaalka ee ay khuseyso sharci ku meel-marin doonaan ugu danbeyn bisha Janaayo 2016.

Waxay madaxdu go’aamiyeen in mudnaan gaar ah la siin doono haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan habsami u socodka hawlaha Madasha Wadatashiga. Waxaa kale oo la garawsaday in natiijada ka soo baxda wadatashiga Madasha ay noqoto mid dadka Soomaaliyeed wada matesha kana turjunta rabitaanka iyo yididiilada shacab ee hannaan doorasho oo loo dhan yahay, daah furan lagana wada qaybgalo.

Furitaanka Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Wakiillo ka socda beesha Caalamka. Madaxda Qaranku waxay ku boorriyeen beesha Caalamka in ay gacan weyn ka gaystaan hawlaha Madasha Wadatashiga Qaran, gaar ahaan wixii farsamo iyo talo-bixin ah.

wada-tashi-7wada-tashi-8 wada-tashi-5 wada-tashi-4 wada-tashi-3 wada-tashi-2 wada-tashi-1 wada-tashi-6

.

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment