4368 Views

Shaqaale loo soo xiray tababar ku saabsan dab-damiska

Shaqaale loo soo xiray tababar ku saabsan dab-damiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 23, 2015 — Ku-simaaha Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee Maamulka Gobalka iyo mas’uuliiyin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad kooban oo tababar loogu soo xirayay shaqaale la barayo gurmadka deg deg ah ee dabdamiska.

Shaqaalahan tababarka loo soo xirayay oo tiradoodu gaareyso 22 ayaa waxaa la baray sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg dega.

Agaasimaha waaxda dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar Cabdulaahi Saney oo munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in mudadii uu tababarka socday dhalinyarada la baray habka ay ugu gurman lahaayeen marka uu meel dab kaco iyo sida ay u maareeyn lahaayeen arrintaasi.

Ku-simaha Guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo soo xiray tababarka ayaa ku bogaadiyay howl wadeenada Damdamiska Dowlada Hoose ee Xamar ee u qaabilsan maareynta musiibooyinka deg dega ah in wixii loo tababaray ay ugu adeegan bulshadooda, ay u istaagaan sidii ay u gudan lahaayeen howlaha loo idmaday.

Maamulka gobolka ayaa ku guuleystay in caasimadda uu ka hirgeliyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah ee qaabilsan maareeynta musiibooyinka dabiiciga ah.

.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment