3921 Views

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 1 October 2015:Madaxweynaha Soomaaliya  mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkacayo afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ugu qeybgalay shirka 70 aad ee golaha guud ee qaramada Midoobay, waxaa uu sidoo kale Madaxweynuhu intii uu halkaasi ku sugnaa kulan la yeeshay Ra’iisulwasaaraha dalka UK David Camaron iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu ka qeybgalay shir caalami ah oo looga hadlayay la dagaalanka kooxaha argagaxisada caalamka kaas oo uu soo qaban qaabiyo madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment