4518 Views

NUSOJ oo Cambaareysay Xarigga Maamulka Sare ee Telefishinka Universal

____________________________________________________________________________

Mogadishu, 03 October 2015 –Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay xarigga qaar ka mid ah maamulka sare ee Unibersal, iyo shaqo ka joojinta lagu sameeyay xafiiska telefishinka ee Muqdisho, isla markaana ku baaqay in xorriyadooda dib loogu soo celiyo, loona ogolaado in telefishinka shaqadiisa dib u bilaabo

Cawil Daahir Salad oo ah daadiyaha barnaamijka Doodwadaag iyo Cabdullahi Xersi oo ah agaasimaha Bariga Africa ee Telefishinka ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir, su’aalana halkaa lagu weydiinayay. Waxaana caawa xafiiska Universal ee Muqdisho NUSOJ u xaqiijiyeen in ay xiran yihiin.

Sida ay xafiiska Universal ee Muqdisho u xaqiijiyay NUSOJ, Cawil Dahir iyo Cabdullahi Xersi waxaa u wacay hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana goor fiidkii caawa ah la demiyay taleefoonadooda gacanta, iyadoo xaqiijiyay xarigga masuuliyiintaas.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo MaamulkaI Universal xafiiska Muqdisho ayaa NUSOJ u sheegay in sababta loo xiray ay uga shaki qabaan inay la xiriirto barnaamij ka baxay telefshinka, gaar ahaan barnaamijka Doodwadaag oo uu Cawil Dahir daadihiye ka yahay.

Abdiasis Ibrahim Axmed, tifaftiraha Telefishinka Universal ee Xafiiska Muqdisho ayaa NUSOJ u sheegay in ciidamada Nabadsugidda ay ku bixiyeen amar in xarunta aanay wax shaqo ah qaban Karin ilaa amar dambe, kuna amray waardiyayaasha in ay demiyaan nalalka banaanka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed xarigga weriyayaasha iyo shaqo ka joojinta lagu sameyay xafiiska Telefishinka, waxa uu ku baaqayaa in laga joojiyo su’aalo weydiinta lagu hayo Agaasimaha Universal iyo weriye Cawil Dahir, isla markaana xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

“Waxaan codsaneynaa in saaxiibadeen xorriyadooda loo soo celiyo, loona ogolaado in xafiiska telefsihinka shaqadiisa dib u bilaabo, iyadoo la ixtiraamayo xoriyadda Saxaafadda” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibrahim, isagoona intaasi ku daray in xorriyadda saxaafaddu ay aas-aas u tahay horumarka bulsho walba oo horumarta.

Wixii faahfaahin dheeri, waan iidinla soo wadaagi doonaa Insha allah

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment