6504 Views

Warbixin ku saabsan da’yarta SomaliLand

Warbixin ku saabsan da’yarta SomaliLand
____________________________________________________________________________

Nuxurka Baaq La Xidhiidha Da’ Yarta Somaliland Oo Wasiir Garas U Soo Jeediyey Bulshada   |

Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Soo Saaray Go’aamo Cusub    |

Boorama | October 7, 2015 –  Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto horumarka da’ yartay oo uu ku tilmaamay in uu ku xidhan yahay kaabayaasha dhaqan dhaqaale ee bulshadu guud ahaan.

“Dhalinyaradu 70%, bay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ka yihiin, guusha, horumarka, dhaqaalaha, cilmiga iyo guud ahaanba hanaqaadka qarankani waxaa uu ku xidhan yahay hadba taageerada la siiyo dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland” sidaa ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada, ciyaaradaha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Yuusuf Cismaan Garas oo hadal ka jeediyey madashii furitaanka tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo  xaflad lagu daah furayay ay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka qabsoontay isniintii dorraad, taas oo uu goob joog ka ahaa kusimaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici).

Wasiir Garas waxaa kale oo uu si gaar ah ula hadlay bulshada Somaliland guud ahaantood.

waxaanu ku baaqay in guntiga loo  giijisto sidii dhalinarada looga shaqayn lahaa hormarkooda “Waxaan runtii ku talinayaa oo aan bulshada Somaliland oo dhan usoo jeedinayaa in la dhiirigeliyo dhalinyarada, waayo haddaan dhalinyarada la taageerin horumar iyo horusocod toona iman maayo” ayuu yidhi Wasiirku. Dhinaca kale  Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa digniino kama dambeys ah siiyay gobolka Hawd iyo garsoor ka mid ah kuwa ciyaarta shalay garsoorayay.

Xidhiidhka ayaa shir jaraa’id ku sheegay in garsoorahaasi ku kagacay khalad aanay faahfaahin. “Waxaanu ganaaxnay Hal garsoore iyo Koox.

Hal garsoore oo ka tirsan garsooreyaasha gobolka Awdal oo ah garsooreyaashii loo xulay inay garsoorida ka qayb qaataan ayaanu digniin siinay , falal uu sameeyay darteed, taas oo haddii uu mar dambe sameeyo uu ka joogi doono garsoorka,” ayuu yidhi Xidhiidhka kubadda cagtu. Sidoo kalena Ciyaartoyga Gobolka Hawd ayaa lagu canaantay inay xammili waayeen shiid kaga yimid taageerayaasha ciyaarta daawanayay, waxaana lagu eedeeyay inay dadka la shiitameen “Markii qaar ka mid ah taageerayaasha Awdal shiideen ama wax ku tureen ciyaartoyga Gobolka Hawd, ayaa ciyaartoyga Hawdna dadkii dib ula shiitameen. Waxaanu siinay digniin kama dambeysa oo aanu ka joojin doono wixii ciyaaraha dambe haddii ay mar dambe taas oo kale sameeyaan,” ayuu sheegay Xidhiidhku.

Ciyaarta Shalay dhexmartay Hawd iyo Awdal ayaa guusho gool iyo eber ku raacday Awdal, inkasta oo kooxda Hawd warsaxaafadeed ku sheegtay in gool ku dhashay rabshad kaga timid Taageerayaasha Awdal.

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment