3876 Views

R/wasaaraha oo soo xiray shir looga hadlayay arrimaha dastuurka

R/wasaaraha oo soo xiray shir looga hadlayay arrimaha dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 October 2015 – R/wasaaraha dalka ayaa soo xiray shir looga hadlayay arrimaha dastuurka oo muddo Sadex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasiradda arrimaha dastuurka  ee xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay  wasiirrada dastuurka ee   maamul goboleedyadda  ka jira dalka.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaradda Dastuurka ee xukumaddda Soomaaliya  ayaa looga hadlay dar-dar galinta geeddi socodka  dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalkeena  iyo sidii maamul gobolyeedyadu ay kaalin ugu yeelan lahaayeen howlaha dib u habaynta dastuurka,

Mudane Xuseen Maxamuud Sh.Xuseen  wasiirka Arrimaha dastuurka ee xukumadda Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in 10 qobad ay isku  afgarteen ay  muhiim u tahay  dib u eegista dastuurka dalka .

R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali oo shirka soo xiray ayaa tilmaamay  in dastuurka  dib u egistiisa lagu saleeyo in uu noqdo mid ka  shaqeeya horumarka iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed.

Shirkaan wada tashiga ah ee lagu soo gaban gabeeyey magaladda Muqdisho  oo ay isugu yimadeen  wasiiradda arrimah dastuurka ee maamul goboleedyadda dalka ayaa qayb ka ah  qorshaha la doonayo in dastuurka KMG ah looga dhigo mid rasmi ah oo uu leeyahay  dalkena.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment