9747 Views

Mudane madaxweyne, waan kuu gardhiganayaa (Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh)

Mudane madaxweyne, waan kuu gardhiganayaa (Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh)
____________________________________________________________________________

 By: Amina Muuse Weheliye Cadoow

Muqdisho, 21 October 2015 – Marka hore ma jirto salaan ka sareysa tan islaamka, ee mudane madaxweyne Asalama Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu.

Salaantaas ka dib waxaan hadana kugu salaamayaa teenii Soomaaliyeed oo ahayd iska waran? Ma fiican tahay?

Ka dibna waxba leexleexan maayee waxaan guda galayaa muhiimadda qoraalkeyga.

Mudane madaxweyne waxaan kuula qasday qoraalkaan in aan kuu soo diro, waa awoodaa in aan taleefon kugu helo, email amaba fariimo kale oo qoraal iyo afba ah, waxaanse ka door biday in aan warqadaan furan oo faahfaahsan kuu soo mariyo warbaahinta, warbaahinta oo ah meel furan oo la wada akhrisan karo, warbaahinta oo ah meel sahal la isku gaarsiin karo wixii la isla maago, maadama qoraalkeeygu anuu qasadkiisa ahayn, in aan kugu xadgudbo balse aan doonayo in aan danta qaranka kaala hadlo si furan, ayaan waxaan rabaa in aan  manta kuu gardhigto ee iga gar bax.

Mudane madaxweyne, ma rabo in maqaalkani noqdo mid nagu saabsan aniga iyo adiga waxaanse rabaa in uu noqdo mid ku saabsan warqad ay isu qoreen muwaadinad iyo madaxweyne, warqadaas oo an sir ahayn dhamaan muwaadiniintuna nala wada aqristaan, waxaan qoraalkaan kuu soo qorayaa anoo ah muwaadinad Soomaliyeed oo dalkeeda iyo dadkeeda u damqaneysa waxaana kuula hadlayaa in aad tahay madaxweynaha wadankeyga Soomaaliya ee xilligaan.

 Mudane madaxweyne, waxaan mid mid kuugu sheegayaa intaan ka gaaro, wax yaabo badan oon rabo in aan kuu soo bandhigo, mar waa kuu gardhiganayaa marna isla gartii baan talo kaga dhigayaa, laakiin kuma qasbanid in aad taladeyda raacdo, waxaadse ku qasban tahay in aad ugu yaraan akhrido, fahamto, hadeey mudan tahayna ka garowdo, maadaama aan ka mid ah ahay muwaadiniinta aad madaxweynaha u tahay, markaasna xaq baan u leeyahay in aad i dhageysato.

Mudane madaxweyne ugu horeyba waxaan kaaga garaabayaa in aad shaqo adag heyso, in aad masuuliyad adagi ku saran tahay, in aad xil weyn la daalaa-dhaceyso, waxaan kaloo kaaga garaabayaa in eed fara badani aad ku mudato xilkaan dusha kaa saran dartiis (Mid aad leedahay, iyo mid aadan lahaynba).

Mudane madaxweyne hadaad ogtahay iyo haddii aadan ogeyba waxaan ahay gabar maro cad u hugatay una qaaday dalkeeda ASAAY QARAN bishii Agosto, 1deedii sanadkii 2010-kii.  Tan iyo maalintaas oo maanta oo aan warqadaan furan kuu soo qoraayo tariikhduna tahay 21ka Oktoobar, sanadka 2015-ka laga joogo, 5 sano, 2 bil iyo 20 maalmoodna waxaan uga gol lahaa asaaydaas qaran,  in aan ku muujiyo qiiradeyda iyo halka aan ka taaganahay ayaandarrada dalkeyga ku dhacday, in aan sameeyo mudaaharaad aaneey cidi ugu wehlin si nabadgelyo ah kaas oo aan kaga soo horjeedo ammaan- xumadda, maamul xumada, burburka iyo baaba’a, isla markaasna in aan kula wadaago murugada boqolaalka kun oo haween soomaliyeed ah oo raggii ay u dhaxeen dagallada kaga dhinteen, in aan kula murugooda malaayiinta caruur ah oo collaadaha ku agoomoobey iyo in aan ku muujiyo in aan kuligeen wada ahayn, dhiig-laawayaal aan damiir lahayn oo aaneey damqeynin dhibaatada gaamurtay ee dalkooda taal ugu dambeyntiina in aan dadka ku tuso in qofku wax diidi karo waxna dooni karo isagoon dhiig daadin.

Maalintaas aan marada cad hagooganayey waxaa jirtay dowlada ku meel gaar ah, oo aan soo dhaafin 4 km oo isku wareeg ah, waxaa jirtay Al-Shabaab oo magaalada meesheey doonaan qudbado ka akhriya, madaxooduna saani ku mushaaxaan wadooyinka, awoodanna in eey dadka ku karbaashaan, gacmaha iyo lugahana kaga gooyaan jidadka dhexdooda, waxaa jirtay  gaajo iyo baaba’, dadku cabsi beey ku noolaayeen,  wadooyinka siigaa aloosneyd, maagaalada casimadda ah oo qur ah ayeey dowladu ku koobneyd, guryo, dhaadheer, hoteello qurxoon iyo dhaldhalaalka magaalo lagu yaqiinayna ma jirin, dadka Xamar deggan kala barkood waxey deganaayeen duleedka magaalada CEELASHA BIYAHA dan baana geysay halkaas, markeey u adkeysan waayeen madaafiicdii daryankeeda iyo dilkeedu isku midka ahaayeen, iyo bambooyinkii dunida laga mamnuucay ee Claster bombs balse uu dalkeena Ithoobiyaanku u adeegsaday, xilli markaas wax yar ka sii horeysay.

Mudane madaxweyne maalintaas waxaan wacad ku maray in aanan hagoogtaas cad dhigin ilaa aan ka arko dalkeyga oo nabad waarta helay, dadweynaha Somaliyeed ee fariinteyda dhageysanaayey xilligaas ma wad fahmin wax aan ka waday NABAD WAARTA, waxeyna markaad xukunka qabatay qaarkood la soo boodeen wadankii dowlad buu yeeshaye maad asaayda dhigtid?

 Mudane madaxweyne ma garan kartaa waxaan ula jeeday, NABAD WAARTA? Nabad waarta waxaan ula jeeday in wadankeygu isku furnaado isagoo nabad ah, ee ulama jeedin in diyaarad Xamar laga raaco marka Beydhabo loo socdo, waxaan ula jeeday NABAD WAARTA, in baaburkaad Xamar ka raacdo aad ku tagi kartid Marka, beydhabo, Kismaayo, Garoowe, Boosaaso, laas-caanood, Hargeysa, Burco, Boorame ama Saylac iyadoon cabisyi jirin, ee ulama jeedin in aad Afgooye  tagto iyadoo 20 gaari oo AMISOM ah iyo 20 GAARI OO CIDANKA GAARKA U TABABARANI ku ilaalinaayaan.

 Mudane madaxweyne in kastoo nabadgelyada dalkeeygu soo hagaageyso maalinba maalinta ka dambeysa, hadana weli taasi sooma dhowa nafteyduna waa ku qanacsan tahay, waana sii wadayaa  go’aankeyga, nabadana dadkeyga waa ku baraarujinayaa, laakiin adiga waxaan ku leeyahay dhowr arrimood baa lagaa rabaa in aadan ka baqeylin, ka baqin kana baaqsan, dhowr kalena waxaan kaa rabaa in aad iga gar baxdid, in kastoon jeclaan lahaa in aad fariintaan xilli hore kuu soo diro.

Mudane madaxweyne dowladda aan madaxweynaha ka tahay ayaa inoogu horeysay dowlad rasmi ah oo kumeel-gaarkii looga baxay,  intaad xukunka heysay maxaad ka qabatay la dagaallanka qabyaaladda? Mise kolba haddii dolwadda lagu xulay 4.5 marka waa wax iska caadi ah ku dhaqankeedu?

Maxaad ka qabatay taakuleynta agoonta daggallada ku waalid beelay?

Maxaad ka qabatay kufsiga iyo tacadiyadda haweenka ka dhanka ah?

Maxaadse ka qabtay xirfad u sameynta dhalinyarada ku habsaamay burburka dalka? Ma u sameysay caruurteena barnaamijyo ay kula qabsadaan nolosha ka luntay? ama ma u jeexday wadooyin wanaagsan oo mustaqbalkooda soo kabasho u noqda? Ma u yagleeshay nidaam ay ku helaan dad wanaagsan oo ay ku daydaan, si ay u noqdaan madaxdii berrito?

Waan ogahay qaar baa is oran doona gabadhani dalka ma joogto oo waa ka maqan tahay, marka war uma heyso waxa hirgalay, laakiin taageerro indho la’aan ah iyo dhaliil ujeedeysan-ba waxaa dhaanta in la isula xisaabtamo si hufan oon dhuumasho lahayn, arrin teyduna dhaliil na ma ahan amaanna ma ahan, waana ahay xog’gaal anoon wadankii tagin, waana ka warqabaa xaladda dhabta ah ee jirta, laakiin waxaan doonayaa in aan muujiyo in heyado dibadda ka yimid oo afar weerood oo Af-Ingiriisi ah magac ka dhigtay aaneey dabooli Karin baahidda ballaran ee ina heysata.

Mudane madaxweyne, waa ogahay in an jamacado badan dalka ka jiraan, waxaase Jira wadiiqooyin horey loo tijaabiyey oo dalal badan oo adduunka  ka yaallana horey ugu aflaxeen waana in dhalinyarada loo sameeyo tababarro xirfadda loogu abuuro oo aan waqti badan socon, waayoo ilma baahan oo burbur ku qaangaaray waxbarasho hoosana aan helin, isagoo weynaaday jamacado ma geli karo, mana la qabsan karo, maxaad dhankaas ka qabatay dowladdu?

Mudane madaxweyne, dhaldhalaal walbaa dahab maahan, ee qurba-joogta wadanka tagtay ee xilalka ka qabata dowladaada sidee lagu xushaa, ma karti? Aqoon? Mise qeyb-qabiil oo kali ah?

  Mudane madaxweyne ma ogtahay in raga xilalka ka haya dowladaada oo dibadaha ka tagay badankoodu soo dayaceen caruurtoodii iyo xaasaskoodii misna dumarkoodii ka dhigeen kuwo koriya agoon aabahood nool yahay? Kuwaas maxaad horta xilalka ugu dhiibtaa? Ma dowladdaada Ayaan lahayn nidaam hufan oo ay kula socoto tayada dadka xilalka loo dhiibaayo, mise dan baadan ka lahayn kol haddii qabaa’iiladoodu kuu keenaan adiguna ugu dhiibto xilkeey u oomanaayeen? Mise dibaduu ka yimid ayaa wax ku filan? Miyaan xil kaa saarneyn Soomalideena qurbaha ku nool oo maalin kastana markaad na soo booqatid naga codsatid in aan wadanka dhismihiisa ka qeybqaadano?

 Mudane madaxweyne ma ogtahay caruurta xabsiyada dalalka reer galbeedka ku jira ee Soomaliyeed in eey kala barkood dhaleen shaqsiyaad aad xil ku maamuustay, kuwaasoo gabay in ee eey ilmahooda waalidiin fiican u noqdaan, sidee ku dhacday in aad  kuwaas xil inoogu dhiibtay uguna aamintay wadankeenii dhamaa?

Mudane madaxweyne ma ogtahay in heyadaha dowladaada badankood ee musuqa ku kaca, maalin kastana warbixinada caalamka lagu xuso adigana waji-gabax kugu ah maalin gashoow in eey maamulaan shaqsiyaad kuligood daaro ka wada dhistay dibadaha iyo dalalka nagu xeeran, maxaadan u daba gelin halka ay ka keeneen lacagaha ay daaraha ku dhisteen? Hadeey daaro dhisan karaan maxey u dhisan waayeen intaadan xilka u dhiibin ka hor?

 Mudane madaxweyne ma ogtahay in dowladaadu ay ka buuxaan Soomali Soomalida kale iibsata, xilalna ka hayaan weliba kuwa sare, welibana ay habeenkii ku seexdaan niyad deggan iyagoo og inaan lala xisaabtameynin, maaxaan loola xiisaabtamid kuwaas dalka iyo dadkaba ceebeeyey?

 Mudane madaxweyne ma ogtahay in dhalinyaradeenu heysan xidig u nuura oo ay kaga daydaan wanaagga markaasna u kala go’een kuwa maskaxda laga dhaqo oo qarax lagu duwo iyo kuwo internetka ka barta wixii xun oo dunida jira oo dhan, maxeysan dowladaadu xil isaga saarin? Ama u koontaroolin anshaxa iyo isticmaalka internetka?  mase ma awoodo dowladu in eey howshaas qabato?

 Mudane madaxweyne weli ma ogtahay in saamigii aanu haddaanu nahay haweenka Soomaaliyeed ku lahayn dowladaada weli naga dhiman yahay, mase ku baraarugsan tahay in aanu nahay dumarka adduunka kuwa ugu kartida badan, maaxaadan wax uga qaban xaqdaradaas?

 Mudane madaxweyne ma ogtahay in burcad badeeda Soomalida ay ku bilaabatay xaq u diriri-nimo mase ogtahay in ay ka bilaabtay, tuugo ajaaniib ah oo maraakiib casri ah wata oo badaheena u soo shaqo taga kana xaabsada  badaheena kaluunka iyo macal ugxantiisa, shabaagta jilaabashadana ka gooya kallumeysatadeena masaakiinta ah, halkaasna ay xaq u diriryadii isu badaleen dagaalyahannada badda, mase ogtahay in falalka burcad badeednimadu ay fududeyn jireen saraakiil shisheeye oo heshiis hoosaadyo la galay wiilasha majimaha yar-yar ee Soomaliyeed oo sideey milixdii badda iyo qoraxda kulluli ugu dhacaayeen wada gubtay, wiilashaasi ma heysan raadaaro lagala socdo maraakiinta casiriga ah ee waaweyn ee shisheeye ee biyaheena soo gala, sideey ku dhacday in aan lala xisaabtamin shisheeyahaas tuugada ah oo kolba dhinac innaga soo weeraray, hadana xabisyada ku haya kumanaan dhallinyaro ah oo ay burcad badeed ku sheegeen?

 Mudane madaxweyne ma ogtahay, in Itoobiya iyo Keenya heystaan laba gobo oo Soomaaliyeed ee kala ah, Soomali Galbeed iyo NFD, mase ogtahay in aneey waligood rabin in eey arkaan Soomaliya oo hesha nidaam iyo kala dambeyn iyo dowladnimo shaqeysa, hadaba waa ogahay in aaneey hadda suurtagal ahay in aan isku taagtaagno laakiin marmar maxaadan wax runta u dhow ugu sheegin, ugu yaraan maxaadan u xusin ama uga abaabulin dalka ileyn awood baad leedahaye oo madaxweynaad tahaye barnaamijyo lagu xasuusanayo gobollada innaga maqan, waxey taasi sahli ahayd in ugu yaraan dhallinyaradu fahamto tariikhda inagala dhaxeysa wadamadaas, iyagana quus beey u ahaan lahayd oo waxeey ogaan lahaayeen in aanan ilowsaneyn hadimadooda, ogoow Itoobiya waa qabtaa manaahiijtoodana waa lagu dhigaa daggaalkii Ithoobiya iyo Soomaaliya, Keenyana waa qabtaa xasuuqii Wagala in kastooy marooriyeen oo aneey si sax ah u sheegin , ka wadan haddii innagana aad manaahiijta inoogu darto hadda tariikhda madoow ee inaga dhaxeysa? miyaaynaan ka wadan ahaan xaq u lahayn in aanu tariikhdeena barno dhalaankeena?

 Mudane madaxweyne waa ogahay in Turkigu wax weyn dalka u qabtay, laakiin waxaan is weydiinayaa muxuu inoogga badashay? Aduunyadu ma jirto cid wax bilaash ah iska kaa siineyso, waxaan kaloo dhaliinsanahay in goobaha tariikhiga ah sida isbitaal Digfeer laga badalo magaca, sababta maxey tahay oo aad u ogolaatay? Saxiibtinimadu waa dow, taakuleyntuna waa dow waana mahadsan yihiin walaalaha turkigu laakiin sidee u ogolaatay in goobo waaweyn sidii Isbitaalkaas Digfeer oo ay ku dhasheen malaayiin caruur ahi aad magaciiba ka badasho? Ma ogtahay tariikhda dalka oo la dhowro in ay qeyb xilkaaga ka mid ah tahay?

 Mudane madaxweyne waxaa ii muuqata in aad saxiibbo fiican tihiin Ithobiya iyo Turkigaba, ma ogtahay in eey inoogga xiran yihiin muwaadiniin ay ugu horeeyaan, Fanaanadeenii weyneyd ee Qamar Cabdullaahi Harawo oo Turkiga ku xiran, welibana aaneey cafiimaadkeedu wacneyd, maskaxdeeduna deganeyn, dunidana ma jirto qof maskaxdiisu qasan tahay in xukun lagu xukumo, oo sharuuc loo raaceey leedahay Iyo wariyihii caanka ahaa ee Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo isagana Ithobiya ku xukuntay xabsi dheer? Ma ogtahay in xil kaa saran yahay muwaadiniintaas weliba wadanka magaca ku leh, waa ogahay in dhowr qof oo dowladaada ka tirsani isku dayeen in eey dadaal yar muujiyaan, laakiin ka waran racfaan madaxweyne hadaad u qaadid, ugu yaraan isku wax ka weydiisid madaxda dalalka ay u xiran yihiin?

Mudane madaxweyne, AMISOM waan ognahay in aay wadanka ku joogto Mandate sharci ah laakiin maalin kasta gabood fallo uu ugu horeeyo kufsi iyo dil ayeey kula kacaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, arintaasi sideey kuula muuqataa? xadgudyadaas ay kula kacaan dadkeena, ma mandate-ka ay heystaan ayeey ka mid yihiin?

Mudane madaxweyne ma ogtahay in aadan XAMAR oo kali ah ka ahayn madaxweyne oo aad wadanka oo dhan u tahay madaxweyne, mase ogtahay in gobollada Sanaag Sool iyo Awdal rabaan Soomalinimo maxeeyse dowladaadu u siin mudnaan una dhageysay rabitaankooda iyo cabashadoodaba? Adoon misna kuwa sheeganaya in eey ka tirsan yihiinna ku xadgudbin?

 Mudane madaxweyne Maamulka Khaatumo Soomalinimada ogol maxaa dowladaadu u qabatay? daqli ma ku leeyihiin dowladda dhexe? Rasmi la uga tirsan yihiin maamulka faderaalka ah? mase helaan darajada ah helaan maamullada kale ee federaalka ah?

 Mudane madaxweyne ma ogtahay in wadanka siiba Muqdisho ay joogaan, heyado bar kuma taal ah oo maalin kastaba tabeelayaasha iyo magacyada ku qoran badasha, isdiiwaan gelintooduna sahlan tahay oo ay ku  egtahay in eey gobolka Banaadir shati ka soo goostaan inta lacag dhiibaan, badankoodna haya shaqooyin ka duwan kuweey sheegteen in eey qabanayaan, maxaaneey dowladaadu hey’dahaas u hubin una daba gelin, ula xisaabtamid loona ogaan howlaha dhabta ah oo ay qabtaan?

 Mudane madaxweyne ma ogtahay in ay jiraan shaqsiyaad dowladaada ka tirsan oo la shaqeeya heyadaha wax basaasa ee shisheeyaha ah mase ogtahay ineey jiraan kuwo kale oo ku xiran hayadaha gaalaysiiya bulshada kana saara diinta islaamka?

 Ma ogtahay mudane madaxweyne in shaqsiyaad dowladaada xilal ka haaya ku lugleeyihiin ka ganacsiga gabdhaha yar yar ee Soomaaliyeed iyagoo hadba wax u ballan qaada, mase ogtahay in aay jiraan kuwo xilkaad u dhiibtay ma ahee xilal kale ooh oose oon kor loo sheegeynin  loogu daray oo u kala dhoofa dunida gaafaheeda iyagoo iib geeya ama dullaalo ka ah gadista jirka Caruurta dhedig ee yicista ah? Ma ka war qabtaa facshirkaas iyo uqubadaas? Mise ma ogidba?

 Mudane madaxweyne ma ka ogtahay in dalka ay ka jiraan ganacsato wax kasta ka ganacsada raalina aan ka ahayn in nidaamka iyo kala dambeyntu soo noqoto iyo in ay canshuur bixiyaan? Maxaan kuwaas loola socon dhaqdhaqaaqooda mise kolba hadeey hoteello qurxoon dhisayaan xaalkooda waa baraanbar?

Mudane madaxweyne maxaa kalifay in heyaddaha dowladda oo dhan u adeegsadaan warqaaha shaqada iyo magacyaddooda afaf shisheeye? Sababtu maxeey tahay? Ma waanuu xil kaa saarneyn afka hooyo? Aaway ballanqaadkaagii aahaa in af-Soomali lagu maamuli doono dowlada lana adeegsan doono? Mise waa inooga baxday?

 Mudane madaxweyne wadanka kama jiraan wax badan oo dhiirigelinaya in dhaqanka iyo afka mudnaan la siiyo, dad yar oo is xilqaama oo dhowr munaasabadood dhiga mooyee, wax kale daaye taleefishanka dowladaada Af-Soomali wada qaldan ayaa ka baxa laguna qoraa, maxaadan wax uga qaban gaboodfalkaas luuqadeenii hooyo lagula kacay?

 

Mudane madaxweyne waan ogahay in aad qabto lataliyayaal farabadan waana ogahay in eey qaataan mushaahar sareeya, laakiin aniga oon wax lacag ah, xil ah ama darajo ah kaa rabin ayaan kula talinayaa ee bal ii dhug lahoow:

  • Ha ku mashquulin in aad qabiil qanciso(Qabiilkaagaba ha ahaadee) qarankana iloowdo, oo intaad qabiil qanci is leedahay Qaranka ha waayin.
  • Ku dadaal in aad kursiga ka degto adoo nadiif ah oo dadaalay intaad xukunka heysay, wixii tabaru kuu diiday maahee aan waxba kale hagran.
  • Dowladaadu musuq baa lagu sheegaa mar kasta sida dowlad kasta oo soo martay wadankaba loogu sheego, waana run oo musuqu waa jiraa, laakiin waxaan kuu iftiiminayaa siyaabaha musuqa lagu garan karo, ama lagu kala fahmi karo cida musuq ku kacday iyo cidda saliimka ah waana sidaan:Qofku laba siyood ayuu hanti ku yeelan karaa, si sadexaadse lama hubo:
  • B) In qofku walidkiis hanti lagaa ka dibna uu ka dhaxlay hantidaas.
  • T) Midda kale waa in uu xaas lacag leh guursaday sidaasna maalkeedii/maalkiisa kula shirkoobay.
  • .
    1. J) Midda sadexaad wadankeena kama jirto waxeyse ka jirtaa dunida kale waa in uu baqtiyaa nasiib ku guuleysay oo dhowr milyan ku dhuftay, intaas wixii ka soo hara qofku in uu muddo kooban ku macaasho waa adag tahay xitaa haddii ganacsi fiican ku jiro.

    Hadaba labada siyaabood ee hore cidaan ahayn, oo weliba u badan in uu magaalada Muqdisho gaari dushii ku yimid isagoo caga cad, odaydhaqameed cidiisa ahna kuu keenay, hadduu wasiirnimo ama ugu yaraan agaasimenimo ka helo dowladaada, asuu dhowr sano gudahood warshad talaajadaha sameysa ku sameysto ama guri weyn oo qurux badan dhisto agaasimahaasi ama wasiirkaasi duco qabo ma ahan wuxuuna xaday hantidii qarankee ogoow.

     Hadaba labada siyaabood ee hore cidaan ahayn, oo weliba u badan in uu magaalada Muqdisho gaari dushii ku yimid isagoo caga cad, odaydhaqameed cidiisa ahna kuu keenay, hadduu wasiirnimo ama ugu yaraan agaasimenimo ka helo dowladaada, asuu dhowr sano gudahood warshad talaajadaha sameysa ku sameysto ama guri weyn oo qurux badan dhisto agaasimahaasi ama wasiirkaasi duco qabo ma ahan wuxuuna xaday hantidii qarankee ogoow.

     Wallaahi baan ku dhaartaye in dowladaadu iskuulo iyo isbitaalo dhisto waxaa ka muhiimsan in eey musuqa la dagaallanto ee taas u dhugyeelo, waqti badanba kuuma harine, guddi u saar soo baara cid kasta oo xil ka qabtay dowladaada intaad adigu xukunka heysay, oo hala ogaado markeey xilka qabaneysay hantidii eey lahayd, guri cariish ahba ha ahaatee, markeey xilka qabatay hantida ay yeelatay, mushaarkii ay dowladu u qortay oo ay ahayd in qofkaasi qaato mudadii uu xilka haayey waxaa kuu soo baxaaya maxsuul sax ah oo xaq ah.

  • Mudane madaxweyne waa ogahay in dowladaha afrikaanka ahi aneey musuq ka bixin, laakiin ku dadaal mudada yare e kuu dhiman in aad tallaabo u qaado dhinacaan.Talada kale oon ku siinayaa waxey tahay, ciidanka qaranka ku dadaal, wax kasta oo kale iyagaa ka muhiimsane, dowlad iyo dal aan ciidan qaran lahayni dowlad ma ahan, mushaar looma weyn karo ciidanka qaranka, mana la dayici karo, ogoow marka loo yimaado sida ay u kala mahuumsan yihiin arrimaha dowladaada laga rabo waxaa ugu muhiimsan ciidanka oo mushahar, daryeel caafimaad iyo adeegyada kale oo noloshooda muhiimka u ah hela
  • Mudane madaxweyne waxaan kugula talinayaa in loo baahan yahay ciidanka anshaxa u gaar ah, oo loo yeelo talis gaar ah lana hoos geynin talisyada hadda jira, ciidankaana horta la soo baro diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee soomaliyeed, shaqadiisana ay noqoto in uu qaabilsanaado ilaalinta adaabta bulshada oo qur ah, waayoo waxaan xog ‘ogaal u ahaa in uu faraha ka baxay anshaxii suubanaa, mudadda dheer ee kala dambeyn la’aantu ina dul joogtay darteed.Mudane madaxweyne dib u soo celi iskuulladdii xalane (Hada Amisom aaba deggan waa ogahee, balse koleey goob kalena tahay, Ceel jaalle iyo nidaamkii shaqada qaranka oo qof kastaaba ku gudanayey siiba ardayda iskuulada soo dhameysay abaagudka wadankooda, in kastoo dhalinyaradeena hadda wadankuba waxba u qaban.
  • Mudane madaxweyne, hadey teyda tahay marna wadankeeyga lama jeclaadeen nidaamka federaalka ah, laakiin waan ogahay waa naloo keenay mana diidi karnee bal iyadana ku dadaal, in loo maro wado sax ah, ku dadaal in calanka iyo astaanta qaran ee guud la ilaaliyo, ku dadaal in aan marnaba lagu tuman wax dadka ka dhexeeya oo ah SOOMAALINIMADA, ku dadaal in aan kuligood xiriir simman la wada sameysato adeegga dowladda dhexena uu si xaq ah u wada gaaro, oo aadan soo kala sokeysiisan, kuna dadaal in aad ku dardar geliso in eey ilaaliyaan qaranimadda.
  • Mudane madaxweyne iska hubi midabka calanka lagu hordhigo, waxaan ku baraarugsanahay in aanuu ahayn kii saxda ahaa, iska hubi oo ha yeelin in aad hor fariisato calankaagii oo midab qaldan leh, ugu yaraan ka hadal oo tilmaan in calankani midabkiisu khaladan yahay, xasuuso waxaad tahay madaxweynihii dalka, hadal inta hadalkaagu soconayo maalin kasta meesha ma joogeyside.
  • Mudane madaxweyne dowladaada ku dadaal in eey noqoto mid ilaalisa nidaamka dowladnimada in kastoo waqtigiiba dhamaaday, oo ay ugu horeyso habsamida (Protocol) ogoow dowlad aan Protocol lahayni dolwad ma ahan, iska hubi shaqaalahaaga madaxtooyada, meeshu suuq ma ahane waa guri looga arrimiyo dowladda Soomaliya ee federaalka ah, u sheeg shaqaalahaaga in dowladnimadu ku xiran tahay habdhaqankooda, hala baro shaqaalaha iyo madaxda dowladda waxa ay tahay (sirta qaranku) yaaneey fududeyn in waraaqaha mamaamulka si sahlan suuqa looga helo, oo u yeel dowladaada nidaam iyo sir dowladnimmo oo xooggan.
  • Mudana madaxweyne ugu dambeyntii intaana hadalka ka bixin waxaan kugu dhiiri gelinayaa in aad wado saxan u marto Soomaliland, waxaan saluugsanahay qabka loola hadlay, waxaanna tuhunsannahay in aan loo marin la hadalkooda wadadii ku habooneyd, lagana bilaabin bartii ay hayd in laga bilaabo, dowladaadu ha ku dadaasho midnimada ugu yaraan ha noqoto mid aan dalka sii kala kaxeynin, wadajir wixii lagu waayaa kala tag laguma helee.Mudane madaxweyne waan ku dheeraaday qoraalka waana ka cudur daaranayaa in aan qormo aad u dheer kuu soo qoro, waxaanse kaaga tagayaa oraahyadaan kooban oo ah:

 

  • OGOOW REERKAAGA OO KALI AH UMA TIHID MADAXWEYNE, OGOOW LAGUMA WADA AMAANEE YAANAN LAGU WADA CEYN, OGOOW IN EEBBE KU XISAABINAYO BERITTO LAGUNA WEYDIINAAYO SIDAAD U GUDATAY WAAJIBAADKAAGA, OGOOW IN AAY DUNIDU TAHAY IMTIXAAN,  OGOOW IN UMMADU U BAAHAN TAHAY HOGAAN CAADIL AH, OGOOW IN AAD TAHAY HOGAAMIYE OO AADAN AHAYN FULIYE, OGOOW IN AAD AWOOD LEEDAHAY INTA AAD XILKA HEYSO OO QUR AH, OGOOW QOF KASTAABA TAARIIKH BUU KA TAGAAYE TAADA WANAAJISO.

 

 

.

Suxufiyad iyo Muwaadinad Soomaliyeed
Amina Muuse Weheliye Cadoow.
asahra2012@gmail.com

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment