3885 Views

Baarlamaanka oo ka ddoday darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya iyo Kenya

Baarlamaanka oo ka ddoday darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya iyo Kenya
____________________________________________________________________________

 

Moqdisho, November 11, 2015 —Baarlamaanka ayaa dood kulul ka yeeshay arinta derbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduudda Soomaaliya, waxaana dooda Mudaneyaasha Baarlamaanku guntooda ay aheyd in xal sharci ah oo siyaasadeysan loo helo joojinta dhismaha derbigan oo gudaha u soo galay Xuduudda Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa muujiyey dareen ku aadan in arintan ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, isla markaana damacu yahay badda, isagoo Golaha Shacabkana xasuusiyey go’aanka Baarlamaankii KMG-ka ahaa uu ku diiday heshiiskii dhanka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa doodooda waxa ay ku muujinayeen aragtida uu Xildhibaan kasta ka qabo in loo wajaho sidii lagu joojin lahaa derbiga ah Kenya ka dhiseyso Xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto, waxaase Mudaneyaashu intooda badan soo jeedinayeen in loo yeero Wasiirrada howshan qaabilsan oo ay ugu horeeyaan arrimaha dibadda iyo gudaha, waxaase Xildhibaannadu ka sinnaayeen dareenka in aan la aqbali karin arintan.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo isna Mudaneyaasha Baarlamaanka ka tirsan ayaa muujiyey aragti ka duwan mida Xildhibaannada oo ah ineysan dowladda Kenya la heyn eedda loo jeedinayo oo ay eedda leeyihiin hay’adaha Dowladda ee jira oo Baarlamaanka uu ugu horeeyo maadaama aysan la xisaabtamin buu yiri laamaha ku shaqada leh arrintan.

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka Baarlamaanka ee maanta shir guddoominayey ayaa gebagebadii Xildhibaannada xasuusiyey awoodda la xisaabtanka ee ay leeyihiin oo ah iney u yeertaan Wasiirrada ku shaqada leh oo ay su’aallo ka weeydiiyaan hadii lagu qanci waayo jawaabaha ay bixiyeenna, Ra’isulwasaaraha ay u gudbin karaan inaan lagu qancin jawaabaha Wasiirrada sidaasi darteedna xilkooda dib u eegis lagu sameeyo, geesta kalena waxa uu xusay in maalinnimada berrito ah arintan ay shir ka yeelan doonaan Guddoonka Baarlamaanka, guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee Baarlamaanka.

20-ka bishii June ee sanadkan 2015 ayey sidan oo kale Xildhibaannada Baarlamaanku dood kulul uga yeesheen, isla arintan ku aadan derbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana xiligaasi jiray qaraar uu Baarlamaanku ku diiday arintaasi waloow ay muuqato inuusan qaraarkaasi meel marin maadaama xiisadda derbiga weli jirto,lamana oga doodda Baarlamaanka ee maanta waxa ay ka bedeli karto derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment