3783 Views

Shir looga hadlayo ilaalinta xaquuqda carruurta oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlayo  ilaalinta  xaquuqda  carruurta oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

 

Moqdisho, November 11, 2015 —Shirkaan wada tashiga ah ee looga hadlayo sidii bulshadda loogu wacyigalin lahaa ilaalinta sharciga xaquuqda carruurta Soomaaliyed iyo tayeynta hay’adadaha cadalaadda dalka ayaa manta ka furmay magaladda muqdisho.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaladda ee Xukumadda Soomaaliya oo kaashanaysa  Hay’dda UNICEF ayaa loo qabtay mas’uuliyiin ka socday maxkamadaha dalka   ciidanka booliska, ciidanka Asluubta, Nabad sugidda iyo ururadda  bulshadda rayidka , waxaana lagu wadaa in uu socdo shirkaani mudo 4 cisho ah oo looga hadlo xaquuqda carruurta ay leeyihiin iyo sidii loo ilaalin lahaa.

Xoghayaha Joogtadda ah ee Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Dr Ismaciil Jimcaalle Calasow  oo shirka furay ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid wada tashi ah, isla markaana  looga bahanyahay in ay ka faa’iidaystaan  ka qayb galayaasha, si looga hortago tacadiyada ka dhanka ha carruurta Soomaaliyeed.

Sharciga caalamiga ah ee ilaalinta xaquuqda caruurta ayaa Soomaaliya waxa ay saxiixday bishii Janaayo ee sanadkaan 2015ka , waana mid muhiim u ah  daryeelka  carruuurta Soomaaliyeed.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment