3651 Views

Baarlamaanka D F oo Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye

Baarlamaanka D F oo Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 23, 2015 —  Kulanka baarlamaanka ee maanta waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta hindise sharciyeedka maalgashiga Shisheeye oo soo maray marxaldooyinkii kale duwanaa ee loogu talo galay in ay maraan sharciyada ka gudbaya baarlamaanka, waxaana u codeeyay sharcigani codeyn gacan taag ku ogolaatay 143 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena waa ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacbaka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir guddoominayay shirkii maanta.

U codeynta  hindise sharciyeedka maalgashiga shisheeye kaddib waxaa xildhibaannada baarlmaanka ugu mahadceliyay in sharcigaasi ay meel mariyaan oo ay guteen waajib Dastuuri ah Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Aadan.

Afhayeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku hadlayay magaca guddoonka iyo kan xildhibaanadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Safiirka Soomaaliya ee u fadhiyay dalka Masar iyo suldaan ka mid ahaa isimadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka ee hadda jira oo isaguna geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan C/llaahi Kibaar Faarax, waxaana uu ilaah uga baryay labadaasi marxuum in naxariistee eebe uu siiyo Qabrigana uu ilaah u nuuriyo.

Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee dhawaan soo kormeeray xuduudda ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta xuduudda.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment