3648 Views

Baarlamaanka oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddigii xuduuda

____________________________________________________________________________

xildhibano-195x110 (1) Moqdisho, November 23, 2015 — Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageysanaya Guddigii dhowaan loo xil saaray, si ay u soo kormeeraan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo la sheegay in Kenya qorsheyneyso inay darbi ka dhisato.

 

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah hab dhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta ee Baarlamaanka uu ajandihiisa yahay sidii warbixin looga dhageysan lahaa Guddigii xaqiiq raadinta ahaa ee loo diray inay soo arkaan xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini Xildhibaano, Wasiiro, Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, Guddiga xuduudaha ayaa waxay tageen halka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ku taal, iyagoo war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in aan wax calaamad ah ku soo arkin.

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore soo saaray qaraar ka dhan ah dowladda Kenya, waxaana qaraarkaas uu dhigayay in Ciidamada Kenya isaga baxaan Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay ku soo xadgudbeen dhulka iyo badda Soomaaliya.

Dowladda Kenya, in kastoo ay horay u sheegtay inay darbi ka dhiseyso xuduuda, si ay uga hortagto weerarada Al-Shabaab, ayaa waxaa hadana ka soo horjeestay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda oo tallaabadaas ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax banaanida Soomaaliya.

 

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment