4953 Views

Soomaaliya Oo Hordhigtay Shirki London Ka Dhacay, Fursadaha Maalgashi Ee Wadankeeda ka jira.

Soomaaliya Oo Hordhigtay Shirki London Ka Dhacay, Fursadaha Maalgashi Ee Wadankeeda ka jira.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 4 December 2015: Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay maalgashiga wadamada Qaarada Africa oo ay ka qeyb galeen hogaamiyayaal ka socda Shirkada Caalami ah iyo maalqabeen doonaya in maalgashi ay ku samesytaan Qaaradani lagu soo gaba gabeeyay magaalada London ee Dalka Britain.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/llaahi Maxamed Nuur oo qeyb ka ahaa wafdiga shirkaasi Soomaaliya u matalayay ayaa sheegay in Soomaaliya ay hordhigtay isu imaatinkaasi muhiimada Soomaaliya iyo caalamkaba ay u leedahay maalgashi lagu Sameeyo dalkeena, iyadoo si qoto dheer looga hadlay maalgashi lagu sameeyo Africa.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayuu sheegay Wasiiru dowlaha in shirka uu khudbad ka jeediyay oo uu kaga hadlay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira, sida Xoolaha beeraha kaluumeysiga  iyo waxyaabaha kale ee uu dalka hodanka ku yahay oo uu tilmaamay ka qeyb galayaasha shirka in ay u riyaaqeen fursadaha Soomaaliya ka jira.

Shirka sidoo kale shirka waxaa looga hadlay horumarinta bankiyada Africa ayna ka hadleen sida muhiim ay u tahay horumarinta bankiga Dhexe oo uu xusay Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/llaahi Maxamed Nuur in horumar balaaran uu sameynayo bankiga Aduunkana uu ka gacan siinayo Soomaaliya horumarkaasi.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment