3618 Views

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Oo Goordhow Gaaray Koonfur Afrika

____________________________________________________________________________

xasan1

Muqdisho, 4 December 2015: Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray dalka Koonfur Africa oo uu kaga qeyb galayo Shir ballaaran oo ku saabsan xiriirka Shiinaha iyo Afrika.

Shirkani wuxuu ka furmayaa magaalada Johannesburg ee dalkaasi. iyadoo la filayo  in dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka inuu shaaca ka qaado balaayiin dollar oo taageero dheeraad ah oo uu siiyo Qaaradani.

Madaxda dalalka Afrika Qaarkood ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirka xiriirka Afrika iyo Shiinaha kaas oo u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu sii ballaariyo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo shirka oo uu kaga hadlayo fursadaha Maalgashi ee dalkeena hooyo ka jira.

Wixi war ee nagu soo korha, halkaan kala soco.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment