4605 Views

Odayaasha Hiiraan oo ballanta kaga baxay M/weyne Xasan Shekh

____________________________________________________________________________

gac3

Muqdisho, 26 December 2015: Wararka aan ka heleyno degmada B/weyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaal ku kulmay halkaasi ay ka horjeesteen in ay tagaan Jowhar si ay kaga qeybgalaan shirka maamulka loogu sameenaayo Sh/Dhexe Iyo Hiiraan.

Kulan ay iskugu yimaadeen odayaasha dhaqan Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sicad ugu sheegeen in iyaga aysan ka qeybgali doonin shirka Jowhar isla markaana ay qaadaceen qaabka ay wax u socdaan.

Dacar Xirsi Nuur oo ah gudoomiyaha Odayaashan dhaqan ayaa sheegay in iyagu aanay raali ka ahayn in degmada Jowhar shirkaasi la geeyo sidaasi darteed marnaba aysan aqbaleyn ka qeybgalka shirkaasi.

“Cadaado waad la socotaa weli lagama tagin oo Dhuusamareeb lama aadin, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland weli waxay ku shaqeynayaan halkii lagu dhisay ee kala ah Baydhabo iyo Kismaayo, anagane Jowhar in lasii joogayo baan aaminsannahay dadka dhanna guuxooda waa sidaas” ayuu yiri Gudoomiyaha.

M/weyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan tagay B/weyne waxa uuna la kulmay odayaashaan iyaga oo ka ogolaaday in ay tagaan Jowhar balse markii uu kasoo tagay ayay go’aankii ka laabteen.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment