5874 Views

Cali Maxamed Geedi oo dhaqaale yabooh ah ka doontay Garoowe

____________________________________________________________________________

cali-geedi-200x125

Muqdisho, 03 Jenuary 2016: Hadal-haynta maanta ka socota magaalada Muqdisho, ayaa sheegeysa in Cali Geeedi iyo wafdi uu hogaaminaayo ay gaari doonaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaas oo ay kula kulmi doonaan Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas.

Wafdigaan ayaa ka kooban Siyaasiyiin iyo Odayaal waxaana kulan u balamiyay C/wali Gaas oo hadda ah M/weynaha maamulka Puntland iyaga oo ka wadahadlaya arimo gaar ah.

Xanta siyaasada waxa ay sheegaysaa in Cali Geedi uu doonaayo in xulufeysi uu la sameysto C/wali Gaas si isaga uu ugu guuleysto maamulka loo sameenaayo Sh/Dhexe Iyo Hiiraan ,waxa uuna doonayaa in dhaqaalaha laga taageero.

Dhanka kale u diyaar garoowka wafdigaan ayaa waxa ay ka soconeysaa garoonka iyo Madaxtooyada Garoowe waxaana lagu wadaa saacadaha soo socda in halkaasi ay tagi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee dadka siyaasada ku qaraabto, ayaa sheegay in Cali Maxamed Geedi uu is daalinaayo, balse uu siyaasad dambe uusan ka muuqan-doonin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment