4134 Views

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo difaacay go’aanadi ka soo baxay shirki Wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo difaacay go’aanadi ka soo baxay shirki Wadatashiga Qaran
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 January, 2016: Marki faraha la isku tag-taagay isla markaana ay qaadaceen, maamulada Puntland iyo Somaliland go,aanki kasoo baxay shirki madasha wadatashiga qaran, ee ahaa in habka lagu soo dhisayo dowlada soo aadan ee Soomaaliya sanadkan 2016 noqon doono nidaamka 4.5, ayaa marki ugu horeeysay waxaa arrintaasi difaacay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid, kasoo sheegay wax ka duwan firkada kooxdaas ay wadatay.

Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wareysi uu siiyey maanta Laanta Af Soomaaliga ee VOA, ayuu ku sheegay in marki ay dhan walba ka eegeen xaaladda uu hadda dalku marayo ay go,aansadeen in ay raacaan habka 4.5 oo lagu soo dhisi doono awood qeybsiga baarlamaanka, halka aqalka sare uu noqon doono mid loo qeybin doono maamul goboleedyada oo dhan.

“Waxaan anaga ka dowlad dhexe ahaan is tusnay in hadii maamul lagu saleeyo awood qeybsiga dowlada soo aadan ay keeni doonto xasilooni darro hor leh, ma dooneyno in dalka aan ka dhigno sida Ciraq ama Afghanstan, sababta ugu weyn ayaa ah in aysan jirin wax tira koob ah oo laga sameyey dalka.” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.

Mar wax laga weydiyey go’aanka Puntland ay ku diiday natiijada go,aanki shirka wadatashiga, ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in aanan la horseedin xasilooni darro dalka ka dhacdo xilligaana aysan muhiim aheyn in dalka awooda lagu qeybsado deegaan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, ayaa ugu dambeeynti sheegay in dhamaadka bisha soo aadan ee Febraayo shir ka dhici doona magaalada Istanbul lagu dhameystiri doono waxyaabaha qabyada ah ee ka dhiman geedi socodka nabada iyo qaabka doorashooyinka loo wajahayo sanadkaan dhamaad-kiisa.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment