3774 Views

Boqolaal Soomaali ah oo si xun ugu dayacan xabsiyada ku yaala Sacuudiga

Boqolaal Soomaali ah oo si xun ugu dayacan xabsiyada ku yaala Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 05 February, 2016: Dad lagu qiyaasay 700 oo Soomaali ah oo isugu jirta haween, rag iyo caruur ayaa ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Jeddah iyo kuwa kale oo an la ogeeyn ee dalka Sacuudiga, halkaas oo ay dac- darro xun ay ku haysato

Mid ka mid ah ragga ku xiran xabsigaasi oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Xaji oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dadka ku jira xabsiga ay xaaladooda nololeed liidato, cid ka warqabtana ma jirto.

Wuxuu tilmaamay in ay isugu jiraan 300 oo dumar ah iyo 300 oo rag ah iyo 100 caruur ah oo laga soo kala xiray magaalooyin ku yaala Sacuudiga oo ay sharci darro ku joogeen.

Axmed ayaa sheegay in dhibaato u badan xanuuno iyo dawo la’aan heysato aawadeed uu ugu dhintay xabsiga dhexdiisa wiil Soomaaliyeed kadib marki uu waayey daryeel caafimaad.

Dadkaan ayaa ka codsaday dowlada Federaalka in ay ka shaqeyso sidii loo sii deyn lahaa dibna ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

’’Waxaan dowladeena iyo dalkeena uga baahanahay in wax naloo qabto oo ay xabsigan naga saaraan, dadka xanuunsan la daweeyo, isla markaana dib dalkeenii naloogu soo celiyo’’ ayuu yiri Axmed.

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah oo shaqo u tagay halkaas. Dadkaan oo u badan haween waxay ka shaqeeyaan guryaha halka ragana ay qabtaan shaqooyinka muruq maalka ah.

Intooda badan waxay ku joogaan si sharci darra ah waxaana dhacda in howlgalada ay sameeyaan ciidamada ugaarsada dadka sharci darrada wadanka ku jooga ay qabtaan ka dibna ay ku guraan xabsiyada.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment