3495 Views

”Musuq-maasuq Laguma Sameeyo Deeqaha Waxbarashada ee Soomaaliya”.

”Musuq-maasuq Laguma Sameeyo Deeqaha Waxbarashada ee Soomaaliya”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,13 February, 2016: Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay eedeymaha loo jeedinayo Wasaaradda ee la xiriira in si aan cadaalad ahayn loo qeybiyo deeqaha Waxbarasho. Marwo Khadra Bashiir Cali, wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku dedaalaan sidii hab caddaalad ah loogu qaybsan lahaa deeqaha waxbarashada ee ay hesho wasaaradda ay wasiirka ka tahay.

Marwo Khadra waxay sheegtay in deeqaha waxbarashada ee lagu helo magaca Soomaaliya ay si siman ugu qaybiyaan ardayda kunool gobolka Banaadir iyo guud ahaan gobolada kale ee Soomaaliya. Ugu dambayntiina wasiir Khadra ayaa tilmaamtay inay muhiim tahay in Wasaaradda lagu dhiira geliyo howsha adag oo ay heyso balse aan lagu eedayn sida ay tilmaantay waxyaabaha been abuurka ah ee meelaha qar lagu hayo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment