3546 Views

Sababihii Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha loogu xayiray Jomo Kenyatta Airport

Sababihii Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha loogu xayiray Jomo Kenyatta Airport
____________________________________________________________________________

Muqdisho,21 February 2016: Warar bdan iyo faah-faahin ayaa ka soo baxaya sababihii wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Air Port ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay uga sii gudbayeen dalka Turkiga.

Wafdigan ayaa ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, waxaana markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ay isku dayeen inay u gudaha u galaan magaalada Nairobi, hase ahaatee saraakiisha ammaanka Kenya ayaa u diiday ayada oo an la tix gelin xasaanadooda.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in diyaaradii siday Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha aan lagu soo baarin garoonka diyaaradaha Wajer oo sida caadada ah diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya lagu baaro.

Hase ahaatee saacado kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno wasiiro ayaa loo ogolaaday inay gudaha u galaan Nairobi, iyadoo xubnihii kale ee la socday sida Xildhibaano iyo saraakiisha xafiiskiisa lagu xanibay garoonka ee loo diiday in ay ka baxaan.

Saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in sababaha wafdiga loo xanibay ay aheyd arrimo amni, maadaama diyaarad qaas ah uu la socday Ra’iisul Wasaaraha aysan soo marin garoonka diyaaradaha Wajeer, halkaasoo inta badan duulimaadyada ka yimaada Muqdisho lagu baaro.

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac oo ka mid ahaa Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay, isla markaana laga qaaday baasaboorada, waxaana uu tilmaamay in markii dambe qeybta Taransit-ka loo soo gudbiyay, halkaasoo saacado badan ku xayirnaayeen ayado an sharaftooda la dhowrin.

Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saqdii dhexe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, iyagoo ku sii jeeda magaalada Istanbul, halka xubnihii kale ee Xildhibaanada ahaa ee la xanibay iyana saaka ka dhoofeen ka dib marki lagu bahdilay Qolka transit-ka.

Xildhibaanadi beryahaan xasaanada u qaylinaayay maxay ka qabaan arinta lagu sameeyay R/wasaarihi Qaranka Soomaaliyeed?

Waa Howl u taallo Xildhibaanadi diidanay in gurigooda lagu baaro isla markana Dowladi lagu ceebeeyay Garoonka Jomo Kenyatta Airport.

“Doqoni Walaakeed Kama Baqdo”

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment